Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Madaxa Xuquuqda Insaanka Itoobiya


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

KOMISHINKA XUQUUQDA AADANAHA EE ITOOBIYA OO WARBXIN HORDHIGAYA BAARLMAANKA ITOOBIYA

EHRCheadADDIS ABABA – Komishinka xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, EHRC, ayaa ku dhawaaqay in warbixin iyo cabashooyin la xidhiidha rabshado dhawaan ka dhacay goobo dalka ah la hordhigayo aqalka baarlamaanka.

Warbaxinta ka sakow, golluhu waxaa uu soo bandhigaya codsiyo uu soo jeedinayo.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ee ka hawlgala gudaha dalka iyo kuwa dibada ayaa soo bandhigay gabood-falyo ay ku keceen ciidamada Itoobiya mar ay la tacaalayeen rabshado ka dhacay Oromiya, Gambella, gobolka Axmaarada iyo goobo ka tirsan ismaamulka qoomiyadaha koonfureed.

Gudoomiyaha koomishanka, Addisu Gebregzihbir, ayaa sheegay in faraha lagula jiro badhitaan ku saabsan xadgudubyada la soo tabiyey.

Masuulka ayaa sheegay in xuquuqda aadanaha dalka ka soo reyneyso. waxaa uu intaa ku daray, in ururku la shaqeeyo xukuumada, dadweynaha iyo ururada dimuqraadiga ah si loo ururiyo cabshooyinka la xidhiidha gaboodfalka.

Waxaa xusid mudan, in ururada caalimiga ahi iyo saxaafada aduunku ayna qabin aragtida ah in xuquuqda aadanaha dalku ka soo reyneyso.

Urur fadhigiisu yahay Itoobiya, HRC, ayaa todobaadkii hore soo bandhigay warbixin iyo cadeymo muujinaya in ciidamada Itoobiya ay ku kaceen falal lid ku ah xuquuqda aadanaha iyaga oo dilay dad kor u dhaafay 100 islamarkaana gaboodfalyo kale geystay gobolka Oromada.

EHRC ayaa ah urur wadani ah oo loogu talagaly in uu xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha, balse mucaaradka ayaa ururka iyo baarlamaankaba u arka kuwo magac-u-yaal ah oo aan lahayn wax awood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin