Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

MAQAAL: ONLF Iyo DDS- isu Caddow mise Walaallo kala maan duwan


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

MAQAAL: ONLF Iyo DDS- isu Caddow mise Walaallo kala maan duwan

cropped-Flag_of_Ogaden_National_Liberation_Front2.svg_.png

 

lol

Ogadentoday Archives 2014

Waa annigii iyo Markalle, Muwaadinow inaad ila yaabta ayaa laga yaabaa haddii aan labbada is raaciyo oo maskaxaadu ku soo maaxato ninku ma waalan yahay, la isma bar bar dhigi karro, waa qalad, balse niyadda gali, ONLF nimadu mahan danbi, DDS nimada mahan Danbe ee waxaa la kala qaaday labbo Jid oo mid walba  ku hareeraysan yahay jid qoddox baddan isla markaasna labbadu waxay leeyihin hal caddow oo midkoodna aan rabbin innuu awood yeesho!

Dunidan aan ku noolanahay Sooyaalka Taariikhda waxaa hadheeyay kalla duwananshaha aragtida midaas oo dadku ku kala tagaan balse intooda badan waxay ahaayeen kuwo Aqoonleh oo ka siman hal arragti ah midaas oo ah “ Dalka Iyo Dadka innaga iska leh”

Dal marka uu yahay mid aah Xor ahayn isla markaasna maamulayaan Dowlad dadku u arkaan caddow ama  Taariikhdu qeexayso in Dadkaas lagu qabsaday si xoog ah sida Gobalkeena Soomalida ee Ogaden (1898-1954), mushtamaha ku nool dhulkaasi wuxuu noqon mid si isir ah loo kala qaybiyo, si siyaasad ah iyo si Deegaanba.

Shaku kuma jiro inaan Itoobiya ahaan jirin oo Itoobiya ayaaba midaas xaqiijinaya marka waa nasiib darro inaan ku andacoono waxaa nahay Itoobiya!   shaqsigu innuu dhaho waxaan ahay Itoobiyan oo isaggaa xor ah qofku xaqna u leh inuu doorto wuxuu doonayo balse su,aallo? Seed ku noqotay Itoobiya?  Muxuu noqon karaa Mustaqbalkaaga haddii aa tahay Itoobiya? Ma haysataa damaanad ah in dhulkaaga aad saad rabtid ka yeeli kartid oo aan lagaa barabixin?

Dastuurka Dalka Itoobiya Qoddobka 40 wuxuu qeexaya sidan?

Article 40 The Right to Property “3. The right to own rural and urban land as well as natural resources belongs only to the state and the people. Land is an inalienable common property of the nations, nationalities and peoples of Ethiopia”

Qoddobkani waa midka qeexaya lahaanshaha Dhulka, midkaas oo dhigaya in dhamaan Dhulku ay leedahay Dowlada uuna ka wada dhaxeeyo Dhamaan Shucuubta Itoobiya. Qormadii horre waxaan ku soo sheegay in Sannadka 2050 Itoobiya Tirada Dadka ee ku nool noqon doonto 275 Malyan! Sidoo kalle waxan qormadii Bangiga Adduunka ku cad in 100 Malyan oo Shacabka Itoobiya ee ku nool Gobalada Kalle loo rararo Dhulka “ Low Land” waa Gobalkeena!

Caqliga Adeegso, Jiritaankaaga Mustaqbalka muxuu noqon karaa markaa ugu yaraan 30 Malyan oo kaa dad baddan, kaa aqoonbaddan, kaa ciidan baddan lagu keeno!

Sidaas darteed waxaa jira wax la doonayo in la wada fahmo oo ah, waxa ka wayn ONLF Iyo DDS oo khatar ah oo innagu soo food leh? Shaqsiga Soomaaliga ahi kama fekaro mustaqbalka Danbe balse wuxuu ku mashquulsan yahay noloshiisa maanta sidoo kalle, wuxuu ku mashquulsan yahay “ Reer Hebel Iyo Reer Hebel” xaqiiqso mid aan labadda hebel rabin ayaa jira!

Si kooban, adigaa xor ah waxaad rabtid taageer ama DDS ahow ama ONLF ahow balse mid ogow, danbta guud iyo Maslaxada jiritaanka ee aad ka siman tihiin waa dhulka waxa isku keenay waa dhulka, marka laga soo tago Dhalashada walaalnimo iyo dhiiga (biological blood).

Xaq-jirnimada waa qayb ka mid ah kala faidaysiga lagaa faidaysanayo si aad isku nacdid, mid mid laguu gaadhsiiyo sababtoo ah cimridheeraanshaha kuwa adiga jiritaankaaga oo dhan neceb ayaa sii xoogsanaya!

Isku soo duu duub, ma leenahay Mufakariin, ma leenahay Siyaasiyiin, Cuqaal, Aqoonyahan xeel dheerayaal ah kuwaas oo u istaaga “ Bad-Baadinta Qaranka, Dhulka Iyo Dadka ee mustaqbalka Fog”

W/Q:- Maxamed Faarax 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Other

avatar

About admin