Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

MAXAA KA KHALDAN DASTUURKA ETHIOPIA?- Dr Sugulle


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(OgadenToday Press)- Warbaahinta OgadenToday Press waxay dib u bilaabaysaa Qoraaladii horre oo aan dib u soo cusboonaysiinaynoé Qoraalka Koobaad waxaan ka qaadan doonaa Ciwaanka ah Maxaa ka qaldan dastuurka Itoobiya

MAXAA KA KHALDAN  DASTUURKA ETHIOPIA?

ethi-MMAP-md

Dahir Nuur Sugulle

 

Magacayga waxaa la yidhaahdaa Dahir Nur Sugulle. Dugsigii sare waxaan ku qaatay Madhahane Alem Harar horraantii 70-tameyadii. Kadib waxaan u qaxay Soomaliya sidii kuwo badan oo iga horeyeyba ay yeeleen. Jaamacad military ayaan u aaday Kiev (X-USSR), waxaanan dhiganayey illaa tobaneeyo sanoMilitary Strategic Planningiyo  siyaasadda milatariga ku wajahan Gees-Weynahaf Afrika. Markaan soo laabtay, waxaan imid Somalia oo deggalkii Ogaden ee 1977 gashay, oo wax badan iska baddaleen. Aniga iyo dhowr sargaal oo kale, ayaa naloo diray in aan talo ka soo bixinno sidii aan xidhiidh military ula yeelan lahayn dowladihii NATO, ee USA ugu kub-ka roneyd, si aan taladaas u bixinno waxaa khasab noqotay in aan Jaamacadaha Milatary ee NATO  dib u gallo oo aan baranno siyaasadda reer Galbeedka.

 

Toban sano oo danbe ayaan ku dhex jirray milatariga reer Galbeedka iyo siyaasadda milatariga ku wajahan Gees-Weynahaf Afrika. Markaan Soomaliya ku soo noqdayna haddana waxaan u imid waddankii oo degaal sokeeye iyo corruption  gilgilanaya 1986. Markaas way adkaatay in aan ku sii noolaanno Somalia. Waxaanan tagay London, halkaas oo aan isku baranay Meles Zanwi oo tababar military u joogay UK. Waxaan damcay in aan cilmigeygii iyo tacliintii military uga faa’iideyo jabhaddi TPLF ee Tigreega, waayo isku cadow baan ahayn. Waxaan Addis Ababa la soo galay isla 1991 EPRDF. Waxaan la shaqeeyey illaa 1993 aniga oo tababarro siyaaseed oo aad u badan siiyey, laakiin innaba aan ku camal falaynin.

 

Afar nin oo markii danbe collowday ayaa waddanka oo dhan gacanta ku haysay. Meles, Tamrat, Cabdimajiid iyo Siyum Mesfin. Mid walibana wuxuu lahaa ajenda isaga iyo reerkooda u gaar ah. Melesna wuxuu islahaa haddii aad afartaas la tashato way kaaga fillaan karaan Amxaaro iyo Soomali iyo Tigree. Meles wuxuu aamminsanaa in luuqadda Af-amxaariga laga tirtiro waddanka muddo labattan sano ah, siyaasad isagu dhisayna la qaato (Meles legacy) . Tamrat Layne wuxuu u dagaalamayey in gobolka Axmaaradu ayna ka mid noqon karin EPRDF, oo doorasho xor ah ka dhacaan, shacabkana la weydiiyo sida ay uga mid noqon karaan EPRDF, haddi kale urur kale oo la tartma EPRDF la sameeyo. Abdimajiid wuxuu ku dagaalameyey in Somaliland Ethiopia aqoonsato, heshiiskii Ingiriiska uu Menelik la galay ee in Saylac lagu beddesho dhulka loo yaqaano Howd-na la hirgaliyo, sidaasna ay Ethiopia ku yeelato dakad iyo bad. Siyum Mesfin wuxuu lahaa wax naga galay Ethiopia ma jiree wax walba dhanka Tigreega, si taasi u hirgashana waa in ay TPLF si cad uga jirto Ethiopia, mana uusan aamminsaneyn EPRDF. Afartaas nin ayaa jiif iyo joogba u diiday waddanka, nin kasta oo damca in uu siyaasad kale ku afuufana, iyagii ayaa iska dhammaan waayey. Illaa uu midwalba geed ku xidho. Cabdimajiid laba wiil oo landrover wadata ayaa loogu diray xafiiskiisa hortiisa, markay ku dhufteen xabaddana waxay horay usii galeen, Xaruunta Dhexe ee Militariga oo ka soo horjeeday meesha lagu dilay. Tamrada waa isagii xidhay. Siyum Mesfinna wuxuu ku sameyey waa kii kala eryey TPLF ee dhowrka nin ka soo reebay, kadibna waa isagii casilay. Fikir aad uga ballaadhan maskaxdiisa oo aan jaho lahayn ayaa loo nasbeeyanayaa in uu dhiig kaga furay madaxa sidaasna u dhintay Meles Zenawi.

 

Waxaas oo faallo ah waxaan iskaga bixinayaa si aan idinku sheego in aan wax badan ka ogahay siyaasadda Geeska Africa iyo gaar ahaan nadaamka reer Galbeedka iyo Shuuciga.   Maanta waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo waddani ah in uu sheego waxa uu xog hayo ee ku saabsan Ethiopia. Anigu qabiil ahaan uma dhalanin Ogaden, laakiin waxaan ahay waddani reer Ogadeniya ah iyo waddani Soomali ah. Kuwa maamulka DDS ku faanaya Ethiopian-nimada iyo kuwa  qoriga la ordaya ee u diriraya xorriyaddooda iyo aayo katalintana ma kala jecli.

 

Maxaa igu dhaliyey in aan qoraalkan dheer soo qoro? Inkasta oo uusan isa sheegin qofka uu yahay iyo waayo aragnimo waxa uu leeyahay, haddana wiilkii yaraa (waa sida aan u qaataye) ee magaciisu ahaa Maxamed Faarax, dharaartii dhoweyd maqaalka cajiibka ah soo galiyey, ayaan ka danqaday oo aan go’aan gaadhay in aan wax badan oo xog ah oo igu aasan la wadaago ummadda Soomaliyed meelkasta oo ay joogto, si dad badani tacliin uga qaataan.

 

Qof waliba wuu heli karaa buuga uu ku qoran yahay Dastuurka Ethiopia oo online ah isaga oo afwalba ku qoran, ee horta ha dhugto, qodobada, 39, 40, iyo 106 hana ka bogto si wanaagsan. Waayo ma rabo weedho badan oo hadal tiro ah in aan ku dheeraado. Dhibaatada ugu weyn ee dadkeenna Soomalida haysata ayaa ah, wax akhris la’aan. Waxay ka jecel yihiin in ay dhageystaan BBC iyo qof kale, waxa uu sheegayo, oo ay u dhowdahay in uu ku darayo dareenkiisa iyo fasillaaddiisa. Waxaan leeyahay, qofkii soo akhriya saddexdaas qodob, oo si wanaagsan u dhuuxa, ayaa doodi na dhex mari kartaa.

 

Markii la dhisayey Civil Service College-ka ayaan ka tagay waddanka, oo aan Meles Zenawi ku idhi “Ma haddaad jaamacadiihii Soviet-Style ku sameyn jiray brain-wash ka dhiseysaa Addis Ababa?”

Wuxuu iigu jawaabay, falsafadda Zenawi si kale oo ay ku meel mari karto ma jiro, waa in dhalinyarada la baro, waddininimada, oo loo dhexgaliyo xirfad. Markaan in badan doodeynay, ayuu yidhi Jaamacadda Addis Ababa ayaa lagabixin doona aqoonsigeeda, sidaas ayeyna Acredited ku noqon doontaa. Jaamacadda Addis Ababa waxay aqoonsatay markay manhajkoodii ku dareen Human Capital Development (Kobcinta Tabaca Dadka), oo ay billaabeen in Trades (Xirfado) meesha ku daraan. Arday badan ayaana si wanaagsan markii danbe wax uga baratay. Degree-ga Civil Service College-ka waxaa lagu qaataa 100 credit hours, oo 50 ka mid ah lagu barto Zenawizim.  Waxaa loogu talagalay in ay soo baxaan dhalinyaro aad u fara badan oo ku heeseysa “Noolow-Meles-Noolow”, oo waddanka oo dhan la wareegta maamulkiisa.

 

Laakiin gobolada intiisa kale lama ayna wareegin wax maamul ah oo sare hal gobol mooyaane! Gobol shaqaalihiisu isbeddel joogto ah(Staff turn-over)  ku jiro ma jiro gobolkaas mooyaane. 1991 dadkii ka shaqeyenayey xafiisyada ayaa ka shaqeeya gobolada kale. Tolow gobolkaasi waa kee?

 

Iyada oo ayna fari ka qodneyn, doodeyda maanta, ayaan isu soo noqoneynaa. Lasoco qaybta 2aad.

 

Dahir Nuur Sugulle

dahirsugulle@gmail.com

2 Responses “MAXAA KA KHALDAN DASTUURKA ETHIOPIA?- Dr Sugulle”

  1. avatar March 22, 2016 at 3:12 am

    Waad ku mahadsan tihiin Ogadentoday qoraalkaan aad dib u soo daabacdeen. Waan xasuustaa inaan qoraalkada Daahir Nuur Sugulle aqriyey qiyaastii inay ahayd baan u maleenayaa 2013 mise 2014. Waxay ahaayeen qoraalo taxane ah oon anigu shaqsi ahaan aan aad u jeclaa inaan aqriyo weliba qeebaha kale ee dhimanna aan sugi kari la’aa inta uu ka soo gelinayo Ogadentoday.

    Mahadsanid mar labaad waxaana jeclaan lahaa inaad sidii hore qeeb weliba aad noo soo gelisaan fadlan.

  2. avatar March 24, 2016 at 11:15 pm

    waa sheeko macna badan kufadhida runii waxna laga fahmi karo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin