Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Sawirro- Edmonton- Maamulka Jaaliyadda Ogaden oo Isbadal lagu sameeyay


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


Edmonton- Ogaden Community -Magaalada Edmonton ee Xarunta Gobalka Albert Dalka Canada waxaa lagu qabtay Shirka Jaaliyadda Ogaden oo ahaa midkii bilaha isla markaasna lagu dooranayay Maamulka Cusub ee Jaaliyadda Ogaden laguna soo dhaweynayay Maamulka Cusub.

Kullankan waxaa ka soo qayb galay Xubnaha Jaaliyada Ogaden, Masuuliyiin Ururka ah wuxuuna ka dhacay Xarunta Jaaliyadda Ogaden ee Magaalada Edmonton.

Labbada Masuul ee shirka ugu sarreeya ayaa kalla ahaa Iskuduwaha Jaaliyadaha Ogaden ee Canada ahna Xildhibaan ka tirsan Ururka Iyo Dr Cibaado Xorriyo oo ah Masuul sarre oo ka tirsan Ururka.

Kullankan waxaa Abaal marrin lagu siiyay ah Shahaado Sharaf Mudanayaasha kalla ah Dr Maxamud Ugaas iyo Aqoonyahan Axmed Yaasiin oo Maamul Iyo Xafiiska Jaaliyadda si hagar la,aan ah uga shaqeeyay.

Maamulkii horre ee Jaaliyadda ayaa iyaga la gudoonsiiyay Abaal marrin. Mudane Axmed Cali Qabxun oo ahaa Gudoomiyahii horre ee Jaaliyadda ayaa si weyn loo aaminsan yahay innuu ahaa Hogaan Dhalinyaro ah oo aad u firfircoon intuu xilka Gudoomiye nimo hayay Maamulka Jaaliyadda wax baddan u qabsoonay waxaana la oran karaa waxaa lagu xasuusan doonaan Xajiiska Jaaliyadda oo la furey in kastooo dadaalka uu Maamulka ka horeeyay ee Cabdi Xirsi uu soo waday.

Ugu danbeyn Waxaa Maamulka Gudoomiyaha la doortay Sayid Gallaal oo sidoo Kalle la gudoonsiiyay Aabaal marinta Sannadkan ee Jaaliyada Ogaden.

OgadenToday Press

1OG
2OG
3OG 4OG 5OG 6OG 7OG 8OG 9OG 10OG

Tags: , , , , ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin