Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Maxay Warbaahinta Muqdisho ka dhaheen Biyaha Shabeele+ Xoggo Xasaasi ah


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(Ogadentoday Press)- Warbaahinta Laga maamula Qurbaha ee Shacabka Soomaaliyeed ayaa dood adag abuuray midaas salka ku haysa sababta Biyaha Wabisha Shabeelle u gudheen. Warbaahinta ayaa baddankood sheegaya in Biyaha Shabeelle lagu leexiyay Dhanka Gobalka Ogaden ama Ismaamulka Soomaalida ay degto sida dadka qaarkii u yaqaanan. Warbaahinta ayaa ku tilmaamtay in aysan marba ogolaan doonin in Biyasha Wabiga Shabeelle la leexiyo.

Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa soo qaatay Haddaladii uu horrey u sheegay Melez Zenawi oo ahaa in Biyaha Shabeelle Iyo Jubba ay ka ooman yihiin Dadka Gobalka ama asal ahaan Biyaha meeshay ka yimaadaan isla markaasna ay Biyahan ka faa’iidaystaan Dadka aan Walaalaha nahay ee Soomaaliyeed ku nool Jamuuriyadda Soomaaliya. Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaaba Codka Madaxweynaha Maamulka Kililka Cabdi Maxamud Cumar oo ka hadlaya Biyaha soo daayay iyagoo Codkaas uu ahaa cod muddo dhowr sanno kahor ahaa hadaysan ahayn sannad kahor kaas kaga hadlayo Mashaarciic laga fulinayay Gobalka Shabeelle.  Su,aasha waxay tahay Shacabka Soomaali ma Biyaha ayaa hadda la rabbaa in la iskaga hor keeno oo caddawad ka dhex abuuranto miyaysanse Shacabka Soomaali gar waaqsanaynin in Biiyahan loo wada baahan yahay sidoo kalle Sharciyadda Caalamiga ah maxay ka qabaan arrimahan? ma Jirtaa Dowlada Soomaali oo Itoobiya kala hadli kartaa Wabi Shabeelle! Dhamaan Su,aalahaas waxaan uga tagaynaa Shacabka!

Muuqaal la xidhiidha arrimahan oo Warbaahinta Soomaaliya faafisay waa kan hoos ka daawo. Muuqaalada Wabiga Shabeelle Iyo Jubba oo gudhay ayaa si weyn loogu faafiyay Baraha Internet isbuucii la soo dhaafay.

OgadenToday Press

 

Tags: , , , , , , ,

3 Responses “Maxay Warbaahinta Muqdisho ka dhaheen Biyaha Shabeele+ Xoggo Xasaasi ah”

  1. avatar March 24, 2016 at 7:44 pm

    anigu hadan awod u yesho biyaha wagiba dagmada qalafe ma usan dhafeen wayo somalidii hore iyo somalida manta iskumid mahan dad loo naxaristana kuma hadhin somalia dofaar medhan baa ku hadhay

  2. avatar March 25, 2016 at 6:21 pm

    somalida dagta jumhuuriyadda somaliya waxaan leehay waxaa lasooo gaadhay xiligii aan qaybtaanada ka qaadan lahayn hadii aan nahay somalida ethiopia qaybta aad xaqa u leedihiina waad helaysaan markii aan eegno xeerarka caalamiga ah lakin ogaada inaanan biyahan aanan hada ka hor idinla isticmaali jirin .
    aan idin waydiiye ma waxaad ka xuntihiin hormarka aan ka gaadhnay dhanka beeraha iyo dadkaanaga usoo istaagay inay ka faaiidaystaan biyahoda ?

  3. avatar
    suuusu
    March 28, 2016 at 11:40 am

    waa xiligii aanka faa iideysan laheyn biyaha wabi shabelle ee noo quudha sxb yaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin