Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

WAA SUGULLE IYO MARKALE: Qaybtii 2aad ee Maxaa ka Khaldan Dastuurka Ethiopia.


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


WAA SUGULLE IYO MARKALE: Qaybtii 2aad ee Maxaa ka Khaldan Dastuurka Ethiopia.

 

Ugu horreyn intii akhriday iyo intii faaqiday qabtii 1aad way ku mahadsanyihiin. Waxaa isugu keendanbeysay, innaga oo faallo ka bixininay afartii nin ee Ethiopia qaseysay iyo meesha ay ku danbeeyeen Waxaan kale oo ka soo hadalnay Civil Service College-ka loo dhisay in, dhalanrog (brainwash) lagaga sameeyo jiilalka soo kacaya oo la baro “Noolow Meles Noolow”. Gobolka kaliya ee uga faa’ideystay sidii loo dhisayna way caddahay, waana gobolkan/waddankan eynu u nasabsheegano ee Ogadeniya.

 

Waxaan isku dayayaa in aan ku qoro Af-Soomali dadku wada garan karaan, oo caadi ah, oo aan yareeyo (technical terms-ka) inkasta oo uu nuxur badani ka dhimanayo markaas. Qoraalkaygu wuxuu ku wajahanyahay dhalinyarada reer Ogadeniya in ay gartaan macanaha ka danbeysa Ethiopian-nimada iyo macnaha uu laayahay Dastuurku, aniga oo aan ONLF iyo DDS midna cayin ama ammanin.

 

Ugu horreyn, Dastuurka Ethiopia wuxuu ka billaabanaya oo bisin u ah, weedhan:

 

PREAMBLE: We the Nations, Nationalities and People of Ethiopia (Macnaheeduna ah)

Innaga oo ah qowmiyadaha iyo shucuubta iyo dadka reer Ethiopia.

 

Weedh walba oo dastuurka ah baa la rabaa in la dhuuxo nuxurka ay leedahay. Qofkii aaminsan in aynu waligeen ahayn Ethiopian wax badan lama weydiinayo, qofkiise qiraya in ay jirtay xilli layna qabsaday, waxaa u taalla su’aasha ah “goorma ayeynu ogolaanay in aynu Ethiopian nahay?” Nin baa faalladiisu qaybtii 1aad ku soo daray “Dastuurku Ethiopia ayuu u yaallaa, ee innaga inaba khuseeyo, yeeynaan ka doodin”. Waa run, laakiin sidaas ma ah sida aynu rabno in aynu u doodno. Adigu garatay in aynaan Ethiopian noqonin waligeen, laakin mid waxaa jira  uu macallin u yahay mid kale oo aan dhaamin oo ka soo baxay Civil Service College-ka, oo laga dhaadhiciyey in uu yahay Ethiopian. Sideed kaas uga dhaadhicin kartaa? Dooddaas yeynaan ku dheeraanin, ee aynu u soo noqonno nuxurka dooddeenna.

 

Dowladi marka ay saxeexeyso xeerarka caalamiga ah, waxaa la saaraa miisaan marka horaba, la qiimeynayo sida ay ku dhisantahay in uu waafaqsanyahay xeerarka caalamiga iyo in kale. Qodobka ugu muhiimsan ee miisaanka lagu saarana waxaa weeyaan Legitimacy/ Xalaalnimadeeda.

1.       Dowlad shacabkedu doortay matahay horta?  Xalaal ma tahay?

2.       Xorriyadda Aasaasiga ah (Fundamental Human Rights) ma illaalin kartaa, ma ilaalisaa? Qofka waddaniga in uu nolaado, oo uu ku noolaado sharaf, cizi, iyo karaamo ma u oggoshahay?

3.       Shacabku adeegga uu u baahanyahay ma u qaban kartaa si caddaalad ah? Ma u qabataa? Sida, Waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta, iwm.

 

Xalaal/Legitimate ma aha dowladnimada Ethiopia. Saddexdaas qodoba ma dhicin. Haddaba wax loogu sii xiiqo Dastuurkeedaba macno badan malaha. Hase ahaatee, waxaad arkaysaa goloyaal badan, oo si indo-iyo-dhagalaan badani ku jirto, loo hadalhayo Dastuurka Ethiopia.  Ereyada mar walba soo gaadha dhagahayga waxaa ka mid ah “dowlad aan dastuur lahayn majirteeeeeeee, yaa diidi kara” “Dastuurka Ethiopia illaa goosasho ayaa ku jirteeeeeeeeeeeeee, maaba isaga lagu xorobo”  iyo wax badan oo la mid ah. Haddaba waxaa isweydin leh, dowladda USA, iyo UK iyo reer Gabeedka oo dhami way caawinayaane, side beey ku caawinayaan, haddii ayna xalaal ahayn? Waa su’aal wanaagsan. Caawinaadu waa afar qaybood.

1.       Dhanka siyaasadda,

2.       Dhanka dhaqaalaha,

3.       Dhanka ammaanka gudaha iyo

4.       Dhanka militariga.

 

Dhanka siyaasadda markii la qoray buugii cagaarraa ee Meles Philosophy iyo Civil Service College-ka ayaa ugu danbeysay siyaasad laga caawiyo Ethiopia. Dhanka dhaqaalaha waxaa laga caawiyaa dalagga beeraha iyo fertilizerka lagu shubo dhulka nabaad guuray. Dhaqaalihii lagu kabi jiray misaaniyaddu wuxuu hoos dhacay illaa 75%  wixii ka danbeysay 2005. Inta hadhayna waxaa la jari doonaa ama la deyn doonaa sida hadba ay u dhacdo doorashooyinka ugu sokeeya ee 2015. Maraykan ayaa ugu danbeyey wax amniga gudaha ka caawiya isna wuxuu joojiyey 2007. Wuxuu sanad walba siin jiray 500 oo milyan oo dollar. Intii muddo ahayd militariga ayaa lagu caawin jiray, marka la eego la degaallanka argagixisada. Iyaduna waxay go’day 2008 markii ay Soomaliya ka soo baxeen. Waxa ay ugu miciyo lisanayaan in ay Soomaaliya gallaanna waa in ay dhaqaale ku helaan. Laakiin Soomaaliya waxaa dhaqaalaheeda military gacanta ku haya AU. Wixii ka horeeyey 2005, intii hore ee la aqonsanaa xalaalnimda dowladda Ethiopia, shuruud la’aan ayaa afarta qaybood looga caawin jiray. Labada digit (the two digit economic growth) ee korodhka dhaqaalaha ee ay ku faanayaan xilligaas ayuu kobcay.

 

Qodobka kale ee loo bahanyahay in lawada ogaado waxaa ka mid ah, xilli ay Ethiopia lahayd ahamiyad strategy ayaa jirtay. Dhanka badda cas iyo gacanka Seweys, dhanka gaska Ogaden, dhanka Christianity-ga, hadda saddexdii strategy-ba way soo afjarantay. Bad malaha oo waa landlocked, gaskii Ogaden way ku guldareysteen in ay soo saaraan oo wuxuu u baahanyahay nabadgalyo 100%, Christianity-giina macno badan malaha hadda wuxuu ku hadhay wax yar oo extreme republican ah.

Aynu markale ku soo noqono mid ka mid ah qodobadii Dastuurka ee ina sugayey e, bal aan soo qaadanno Qodobka 39aad.

La soco “Markale iyo Sugulle iyo qaybta 3aad”

Qoraaladan sannadkii 2014 ayaan baahinay haddase dib ugu soo celinaynaa maadaamo Warbaahinta File ka baxeen! La soco Barnaamijkaas oo aad xaqiiq ahaan ka Faa’iidi doonto!

Tags: , , , , , , ,

2 Responses “WAA SUGULLE IYO MARKALE: Qaybtii 2aad ee Maxaa ka Khaldan Dastuurka Ethiopia.”

  1. avatar March 24, 2016 at 11:31 pm

    afkaga cana lagu qabay Sugulow bayaamin wanaagsan

  2. avatar
    axmed cali
    March 27, 2016 at 6:54 am

    walal umadda yaan la.wareerin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin