Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Sawirkan waa Ciidanka Iyo Shirkada Heshiis galaya- Interfax Energy ayaa ka soo xiganay

File Photo/Interfax Energy

Gobolka ‘Ogaden’ waxa lagahelay ma Ceel shidaal ahbaa mise waa Ceelal Dab ah?


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


 

Khayraadka rabaaniga ah jiritaankoodu calaamad u ma’aha barwaaqo iyo badhaadhe ookaliya balse waxay sidookale calaamd uyihiin ba’ iyo hoog:khayraadka rabaaniga ah waxaakamid ah dhulka,shidaalka,iyo macdanta dhulka ku aasan een dareeraha ayn.

Sida lagu xaqiijiyay baadhis aysameeyeen jaamacado aykamidyihiin oxford iyo Harvard universities,wadamada  khayraadkoodu yaryahay waxay ka daganyihiin wadamada shidaalka iyo macaadintakale lagahelay.Tusaale, tijaabo lagusameeyey horumarka dhaqaale iyo daganaanshaha siyaasadeed ee wadamada Libya ,Nigeria, Algeria oo dhaqaalahoodu kutiirsanyahay khayraadka shidaal iyo dhankakale wadamo sabool ah oo aykamidtahay  Mali,Binin and Madagascar, ayaa lagu ogaaday in khayraadku saamayn xun kuyeesho daganida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale. kadib dagaalkii qaboobaa wadamadan Qaniga ah waxay hoos ugulaabteen burbur dhaqaale iyo colaado sokeeye.kuwan saboolka ahna waxay salka udhigeen hab dagan iyo dhaqaale kudhisan hab demoqraadi ah.

Sida kucad cilmibaadhis jaamacada Harvard university samaysay sanadkii 2009kii shidaalka iyo khayraadkakale waxay la-mataano yihiin 3 arimood (1)kor ukac dhaqaale (2) soobixid awoodo siyaasadeed (3) musuq-maasuq.

1- Dhaqaalaha dalku sare ayuu ukacaa.Laba mid ayuunanoqdaa:inaytahay habka lo yaqaan “rentier state” oo ah hab dhiigmiirad ah oo dadyar kaliya gacanta wax ugujiraan, dad iyo deegaana aan loo aabayeelin,iyo inaytahay nooca looyaqaan “production” oo ah shaqo abuur,maalgalin iyo faa iido sifiican loomaamulo.

2-waxaa dhasha awoodo siyasadeed oo kuhardama gacankudhigista khayraadka.jiritaanka khayraadka noocan ah wuxuu awood siyaasadeed oo aad uxoogan siiyaa dadka deegaanka khayraadku kujiro iskale.

3-Sidookale khayraadka lacagaha waaweyn lagahelo waxay soosaartaa madax musuqmaasuq kunool ah ,hadii dalka xisbi kaligii ah uukataliyo sida Ethiopia ookale waxaa badanaysa qabyaalada iyo laxisaabtan la’aan.hadii nidaam xisbiyo badan uuyahayna waxay qolada xukunka haysataa iskudaydaa inay khayraadka dalka ku iibsato dad xoogaa ah oo iyaga ucodeeya.

Hadiiba khayraadka shidaalka iyo gaasku Africa  kusookordhiyey qalalaase siyaasadeed,iyo burbur dhaqaale,midka Ogaden lagahelay muxuu soosidaa? Mawuxuu noqondoonaa mid laga faa iidoo shaqa abuuris,maalgalin iyo faa iido-qayb,mise wuxuu noqondoonaa mid gacanta ugala koox dhiig-miirad ah oo u isticmaasha kusiixoogaysiga haysashada dhulka dad iyo deegaana aan u aabayeelin? Awooda siyaasadeed ee shidaalkani siinayo dadka deegaanku intay la egtahay maxaysa tahay? Qormadan waxaan iskudayeynaa in aan kagajawaabno su aalahan inagoo isticmaalayna waxa aan maanta ka ognahay hawlaha shidaal qodista ‘Ogaden Basin’ iyo wixii lagabartay tariikhda shidaal qodista iyo quudashada Africa.

Shidaalka ‘Ogaden Basin’ kujira soosaaristiisu waa hindise aan wali lahirgalinin, balse xaqiijinta inuu shidaalkujiro Ogaden Basin  waxay udhigantaa aduunkan mugiis iyo badh,waxa dhicidoonana humaagiisu wuxuu kasiimuuqdaa dhabaha cidhiidhiga ah ee Ethiopia uqaaday sahamintiisa.

Lagabilaabo sahamintii hore ee shidaalka,qandaraasidiisa iyo qodistiisa inta kadhexle dawlada Ethiopia maysan qarin waxa aykusamayndoonta lacagta shidaalka kasoo xaroota.uguhorayn dawladu waxay go’aansatay inay xoog kusoosaarto shidaalka iyadoon xeer iyadu leedahay iyo mid caalami ah midna aan u aabayeelin.sida ay qortay hay’ada shidaalka kafaaloota ee excel-energy,goobaha shidaalka laga qodayo waxaa lagu wareejiyay ciidamo Ethiopian ah.Deegaanka kuhareeraysanna waxaa laga tir-tiray wax noole ah.Dawladu waxay isticmaashay hab nabaad-guurin ah oo dhibaato qaan gaadha kureebaya Deeganka:dhirtii waa lajary, cawska iyo geed-hoosaadkana dab ayaa laqabadsiiyay,kadibna saxare ayaa lagadhigay,iyadoo xukun dil,arag kutoogasho,iyo mooraduug lagusoorogay dad iyo duunyo wixii kasoodhawaada deegaanka.

Dhinaca kale ujeedada xulashada goobaha  khayraadkan lagu bislaynayo oo laga fogeeyey deeeganka Somalida ayaan ubaahnayn in lawaydiiyo khabiir dhaqaale iyo siyaasi midna:dhuumo dhulka siijeexaya ayaa lagaga-dhoofinayaa Ogaden,warshadaha lagu sifaynayana waxaa lagadhigayaa jabuuti,warshadaha kale ee petrochemical ka ahna waxaa laga yagleelayaa goobo kuyaala waqooyiga Ethiopia.dadka deegaankuna waxay lamidnoqonayaan dhurwaagii yidhi “caanaha geela waabaan arkay igayoo muska laysaga dhiibayo oo waa waxmadow.”

Dhibaatada deegaanka gaadhaysa waxaad kugaran ogtahay majiridoonaan xoolo iskood ufoofa oo soodharga waxaana noolaandoona ookaliya xoolo lacalfiyey oo macnaheeduyahay ,daaq ama raashin ay cunaan in loobeero oo gacanta laguquudiyo.shaqada kaliya ee halkan kabanaan waa ilaalinta dhuumaha iyo ceelasha shidaalka oo dabcan  aniga iyo adiga midna looga baahnayn.Marka dhibaatadaasi gaadho deegaanka dadkiina khayraadkoodii tuubooyin lagaga nuugey dhulka hoostiisa ,madhalanin qof iisheegikara in aduunku halkaas kudhamaan oo aan laysaga daba imaneyn.

Xaqiijinta in shidaal kujiro ‘Dooxada Ogaden’ waxuu faa iido wayn uyahay dadka deegaanka: wuxuu gaaska iyo petrol ku siinayaan dadka deegaanka awood siyaasadeed oo wax ku oola.sida ay aaminsantahay khubarada siyaasadeed ilaha awoodaha siyaasadeed waxaa kamid ah khayraadka dad leeyahay,kaabayaasha dhaqaale iyo maalgalin lagu sameeyo deegaanka.Tusaale ahaan mudaharaad ay shaqaalaha gododka macdanta laga qodo ee south Africa muddo bil ah sameeyeen ayaa salka dhulka ugudhufatay xukuumadii midabtakoorka.sidookale Gobolka Oromia kacdoonka lagaga soohorjeeday dhulboobka waxa uhorseeday guusha waa jiritaanka kaabayaasha dhaqaale ee gobolka kajira:mudaharaadayashu waxay awood uheleen inay xanibaan gaadiidka,waxay jarayaan buundooyin,waxay joojinayaan wax soo saarka beeraha iyo xoolaha oo lafdhabar u ah nolosha Addis ababa waxaakale oo awood siisay beeraha ganacsatada shisheeye leeyihiin oo ay burburinayeen,sidaas darteedna waxay kaguulaysteen xukuumadii oo manta waxkasta ogol.

Dhinaca deeganaka somalida maanta majirto awood siyasadeed oo dadku gacanta kuhayaan:Tusaale ahaan majirto warshad kaliya oo 50 ruux  kashaqayso,majiraan biriijyo waawayn oo isusocodka wadanka muhiim u ah,mana jiraan maalgalino kale oo nolosha dawlada iyo dhaqaalaha dalka saamayn kuyeesha oo lasameeyey.Horumarin la’aanta khayraadka Ogaden mudadii Ethiopia xukuntay waxay salka kuhaysaa,marka lagatago halgamada isdaba socdey, cabsi aykaqabto in dadka degaanka awoodi ukorodho oo laga adkaankariwaayo.Tan hadda socota ee shidaal soosaarista ah wali waxaa muuqata in Ethiopia iskudayeyso inaysan ilduufin shaxda oo aysan dadka deegaanku awood ku yeelanin khayraadkan,sitaas udhacnada waxay bilowdey in shidaalka xoog lagusoosaaro,meel fogna lagucuno dadkii lahaana sida Tukaha raqda looga dhagx-tuuro.Laakiin Dawlada Ethiopia waaqica horyaala wuxuuyahey  laba daran mid dooro:in khayraadku halkiisaas kuduugnaado oo aysan huri Karin iyo in shidaalka lasoosaaro qoomiyada somaliduna awoodo siyaasadeed yeeshaan.wixii labadaas aan ahayn waa ‘sheeko Baraley.’

Cidina ma ilawsana ONLF iyo sida ay u muujisay inayna ogolayn khayraadka in la miirto;cidina ma ilawsana Cobolle;cidina ma ilawsana 700km dhuunta socondoonta iyo somali sida looga badbaadin:xaalku ceel shidaala maaha ee waa ceel dab ah;miirashada shidaalku waxay soosaaraysaa awoodo siyaasadeed oo shacabka,jabhada iyo maamulka deegaanka laftiisuba aysan horay uhaysan.

Jabhada ONLF oo horay ucadaysay inay weerar kadis ah oo halis ah ku ekeynkarto goobaha noocan ah,waxaa u kordhaysa taageero dadwayne,tusmo sahlan oo ay weerarto,iyo tabo fudud oo ay kubaabi’iso bilaayiin dollar kuna xanibto miirashada shidaalka. Taasi waxay  boos cidhiidhi ah galinaysaa dawlada Ethiopia  heshiisyaday lagashey shirkadaha bilaayintaas dollar bixiyey oon ogolaan doonin khasaare iyo carqalad midnaba.waxaa kaleeto oon meesha laga saari Karin heshiisyo qarsoodi ah oo dhexmara shirkadaha iyo ONLF si shirkaduhu ubadbaadsadaan qul-qulka shidaalka ONLF na taas badalkeeda lasiiyo milaayiin dollar, arintaas  oo holaca colaadeed sii xoojinaysa.

Dhinacakale dadka deegaan oo hadda kahor aan laheyn kaabayaal dhaqaale waxay hoy unoqondoonaan khayraadka ugubalaadhan geeska Africa.mayeelidoonaan in dhuumo shisheeye hoostooda lagumariyo khayraadkooda,deegaankoodana la nabaad guuriyo.sida laga bartey dalalka shidaalkooda ladhacay waxaa samaysmidoona ganacsato hubeysan oo hadiiba khayraadkooda laboobayo iyaguna kalaxa darsada.

Maamulka deegaanka waxaa muuqada sababa jira dartood inaysan sidiihore ahayn .waxaa jirta wax istaawin xoogan, kadib geeridii zanawi, oo kasoomuuqada shaqsiyaad kujira maamulka.xoojinta maamulka deegaanka iyo ku abaabulista iney dhexdoodu dagaalamaan oo indhatirtay masuuliyiinta deegaanka markii hore ayaa curinkarta fikir kubaraarujiya madaxda halka aytaaganyihiin iyo sida xoogooda loogu tacadiyey loona yaraystey.Taasi waxay siihurinaysaa xaqiiqada ah inaan laftooda waxba laga waydiiniin arimahan socda.sidaa sikaculus waxaa toosinaysa maskax kasta oo hurudey talaabada midaysan ee qoomiyada oromadu ku dhaqaaqdey mucaarad iyo muxaafidba.waa wax lafilankaro in xoogaga deegaanku kukulmaan daljaceyl,dad jaceyl iyo isjaceyl shisheeyahana meel ugasoowada jeedsadaan.

Ugudanbayntii soosaarida shidaalka ‘Dooxada Ogaden’ wuxuu badalidoonaa isu dheelitiraan la’aanta awooda siyaasadeed ee gobolka iyadoo  colaad waarta oo lagu basbeelo iyo nabad lagubadhaado labadaba laguriyoonkaro.Hadii aynu hubno in kala doorashada in ‘Ogaden Basin’‘ noqoto ceel shidaal ah ama ceelal dab ah’  ay gacanta ugujirto dawlada Ethiopia,guusha ama guul darrada dadka deekaangu waxay gacanta ugujirtaa xoogaga deegaanka­–ONLF, Maamulka deekaanka  iyo shacabka dalka oo hadii ay iskubiiriyaan dadaalkooda guuleysan kara, hadii ay sida lookala qaybiyay ee loo colaatansiiyay ku siisocdaana udhiman doona sidey ukala horeeyaan.

H.B.Abdulahi

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From BogaHore

avatar

About admin