Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Dagaal- Liyuu Booliska Iyo Malayshiyo Hubaysan oo Dagaalamay


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


BURCO – Tuulada Balidhiig oo ku taal xadka kala qaybiya maamulka Somaliland iyo ismaamulka Soomaalida ayaa la sheegay in ay ka dhcaday shaqaaqo aan khasaare weyn geeysan oo u dhaxeysa ciidanka Liyuuga ee degaanka Soomaalida iyo maleeshiyad hubaysan.

Wararkan oo lagu faafiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee ka hadla dhacdooyinka Somalialnd ayaan xusin sababta keentay is hardiga oo shalay dhacay.

Guud ahaan dadka shacabka ah ayaa ka qaxay tuulada iyada oo goobihii gancsiga loo xidhay dagaalka dartii.

Tuulada ayaa la sheegay in ay maanta xasilooneyd iyada dadkii qaxay ay badankoodu soo noqdeen.

Dhanka kale, waxaa jira waanwaan ay wadaan waxgaradka tuulada iyo masuuliyiin ka kala yimid Gaashamo iyo Burco kuwaas oo doonaya in xaalada la dajiyo.

Ciidamada Liyuuga iyo beelaha hubaysan ee degan xadka labada dhan kala qaybiya ayaa inta badan isku dhaca iyada xiliyada qaarkood khasaare xoog leh ay isku-dhacyado keenaan.

Soomaalida degan dhulka ku liilsan xadka ayaa aad u hubaysan islamarkaana gurmad ka hela xadka dhankiisa kale marka ay dagaaladu dhacaan.

Beelaha Soomaalida ah ee xadka degan ayaa ciidanka Liyuga u arka ciidan beeleed iyaga oo waayadii hore dagaalkooda ku dhiiran jiray, balse aragtida ayaa hadda isa soo badaleysa.

ST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin