Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Faah-faahin: Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo – SAWIRO & VIDEO


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Faah-faahin: Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo – SAWIRO & VIDEO

Posted by

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootey weerar is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay banaanka hore ee Hotel Uunlaaye Mehered ku taaley oo shaaha laga cabo.

qaraxa

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay fuliyeen weerarka ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo maanta oo khamiis ah.

Afhayeenka ciidanka Malayshiyada al-Shabaab, nin isku magacaabey Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Raadiyaha al-Shabaab ee Andulus u sheegay in weerar ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo oo ay ku dileen saraakiil.

Weerarkan oo uu fuliyey qof naftiisa haligey, waxaana uu ka fuliyey meherd ku taala banaanka Hotel Uunlaaye. Waxaa la og yahay ilaa hadda in ay ku geeriyoodeen 6 qof oo uu ka mid yahay Xisaabiyihii Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Gaadayare. Waxaana ku dhaawacmey dad gaaraya 10 qof.

Siciid Cali Yusuf, Xisaabiyihii gobolka Mudug

Siciid Cali Yusuf, Xisaabiyihii gobolka Mudug

Waxaa socda baaritaan goobta qaraxu ka dhacay ee magaalada Gaalkacyo. Qofka is-qarxiyey ayaa ahaa nin laga yaqaaney goobaha ganacsiga ee uu hadda isku qarxiyey, waxaana uu dhaqi jirey gawaarida.

Halka qaraxu ka dhacay

Halka qaraxu ka dhacay

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa la geliyey heeggan sare, kadib markii al-Shabaabkii ku soo duuley Puntland lagu jebiyey dagaaladii ay la galeen Puntland, ayaa la aaminsan yahay in ay fulinayaan weeraro naflacaari ah, iyaga oo dib u kicinaya xubno la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab laakiin u qarsoon (Sleeper Cell).

Horseed Media
News Desk

Tags: , , ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin