Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

”Warbixin” Mogadishu maahan Magaalo loo siman yahay WQ Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

”Warbixin” Mogadishu maahan Magaalo loo siman yahay WQ Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad

! Cajiib..!!! Hadaba dadow waxaa iga su’aal ah.?

  1. Hadii Sadexda Milyan ee reer Banaadir aan loo ogoleyn inay doortaan Gudoomiye yaal Degmo, Duqa Magaalada iyo Gudoomiye yaha Gobolka. Madaxda Federaalka ee xiligaasi joogtana ay yihiin cida kaliya ee xil u dhiibi karta ama ka qaadi karta mas’uuliyiinta aan soo sheegnay..!
  2. Hadii uu yahay Gobolka Banaadir halka Gobol ee qur ah ee Dowlada Federaalka Canshuur si toos ah uga qaado..!
  3. Hadii Dekada iyo Airport Gobolka Banaadir ay yihiin labada ilo dhaqaale ee kaliya ee sida tooska ah Dowlada Federaalka u maamusho. Qarashka kasoo xaroodana si toos ah u aado qasnada Dowlada Federaalka..!
  4. Hadii qarashka kasoo xarooda Dekada bil waliba percentage ay ku leeyihiin Dowlad Goboleedyada Dalka kajira. Reer Banaadir na ay raali ku yihiin qarashkii ay ahayd in Horumarka iyo Amniga Gobolkooda looga shaqeeyo inay ku taakuleeyaan Maamulada soo koraya. Si loo ilaaliyo Midninada iyo Wada jirka Dalleed iyo Daddeed ee Soomaaliya..!

Hadaba maxaa ku dhiman reer Banaadir oo wali loogu sii ciil qabaa.?! Hadiise la yiraahdo Caasimada halaga wareejiyo majiraa Gobol intaan barkeed diyaar u ah inuu uga tanaasulo Soomaalinimada, Dowladnimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.?

AFEEF: Ra’yigaani aniga ayuu igu gaar yahay ee cidna wakiil ugama ahi.

Waxaa Qoray  Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Other

avatar

About admin