Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Maxay ku wada Hadleen Itoobiya Iyo Maraykanku- Xog Xuququl Insaan


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

MAXAY KAWADA HADLEEN ITOOBIYA IYO ERGEYGA MARAYKANKA U QAABILSAN XUQUUQDA AADANAHA?

Ethio-US_WorkingADDIS ABABA – Maraykanka Iyo Itoobiya ayaa yeeshay shirkoodii 6-aad ee ku saabsanaa hagajinta xuquuqda aadanaha iyo dawladnimo-wanaaga. Kulankan oo qabsoomay bishan 29-dii ayaa lagaga dooday qodobo xasaasi ah.

Wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa kulanka ku tilmaantay mid labada dhan ay si furfurnaan ah uga hadleen qodobadii la isla soo qaaday, balse faafaahin dheerad ah kama bixin.

Safaarada US ee Addis Ababa ayaa dhankeeda ka xustay in shirka lagu soo qaaday qodobo ay ka mid yihiin rabshadihii ka dhacay Oromiya iyo Amhara. Waxaa kale oo aad loogu dheeraday waxaayabo la xidhiidha nidaamka doorashada dalka.

Masuuliyiinta Itoobiya ayaa cabasho ka muujiyey warbixinta sanadlaha ah ee wasaarada arrimaha dibada ee maraykanku soo bandhigo oo inta badan ka hadasha tacadiyada xuquuqda aadanaha ee Itoobiya sameyso. Waxaa intaa dheer, in Itoobiya soo qaaday ururka Ginbot 7 oo taageero xoog leh ku haysta maraykanka islamarkaana ku dhawaaqay dagaal hubaysan oo ka dhan ah Itoobiya.

Kulankan oo si wadajir ah ay shirgudoon uga ahaayeen kaaliyaha xoghayaha US ee dhanka xuquuqda aadanaha, Tom Malinowski, iyo wasiiro-dawlaha arrimaha dibada ee Itoobiya – Taye Atske-sellesie – ayaa waxaa goobjoog ka ahaa haweyneyda safiirka u ah Maraykanka.

Maraykanka ayaa xukuumada Addis ku dhiirigaliyey kobcinta urarada bulshada ah iyo maamulka wanaagsan. Waxaa kale oo wafdiga Maraykanku hoosta ka xariqeen saxaafada xorta ah iyo kaalinteeda.

Washington ayaa u balan-qaaday Itoobiya tababaro iyo gargaar la xidhiidha horumarinta dimuqraadiyada, maamulka suuban iyo xuquuqda aadanaha.

Itoobiya ayaa dhankeeda ka muujisay in ay diyaar u tahay in dalka lagu soo dabaalo nidaamka xisbiyada badan iyo in la kobciyo dawladnimo wanaaga iyada oo la raacayo dasduurka dalka.

Kulanka ayaa lagu soo gunaanday in la xoojiyo kulmado noocan oo kale ah iyo iskaashiga labada wadan.

Xukuumada Washington ayaa Itoobiya ka taageerta dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka horumarka, gargaarka aadanimo iyo kobcinta dimuqraadiyada.

Waxaa jira ururo iyo shakhsiyaad ku dhaleeceya xukuumada Obama in ay indhaha ka daboolatay gabood-falyada Itoobiya iyada oo taa ku doorsatay iskaashiga dhanka amaanka ee ay la leedahay Itoobiya.

Waxaa xusid mudan, in Maraykanku taageero siyaasada Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya iyo Koonfurta Suudan.

Somalistate.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin