Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Wabi-Shabeelle, Muqdisho Iyo Mustaqbalka Shacabkeena ? Qoraal Kooban


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(OgadenToday Press)- Maalmahan waxaa si weyn u taagan dooda Biyaha Wabishabeele. Doodan waxay si weyn uga taagan tahay Dalka Soomaaliya waxaana in la is waydiinaya sababo la xidhiidha Wabiga Shabeelle oo laga waayay Biyo. Su,aasha waxaa weeye Sababta looga waayay Biyo maxay tahay? Illaa hadda ma cadda laakin waxaa sabab looga dhigay Biyo Xidheeno laga sameeyay Gobalka Soomaalida Ogaden gaar ahaan Magaalada Godey. Khuburadda waxay aaminsan yihiin in sababtu aysan midaas kali ah ahayn balse tahay arrimo la xidhiidha roob la,aan, Iyo Cimilada Caalamka oo is baddal ku yimid.

Haddii aan u raacno Dhanka Godey ama Sida Warbaahinta Soomaaliya sheegayaan Marka Koobaad Dadka ku nool Godey Iyo Dadka ku nool Muqdisho waa labba Shacab oo Soomaali ah labbada u baahan nolol. Haddii aad leedahay maya Dadka Gobalka Godey ku nool ama Soomaali Galbeed (Ogaden) nolol uma rabbo, midaas waa arrin kalle waana arrin aan oran karro waa wax aan macquul ahayn. Warbaahinta Deegaanka Wax ka qorta qaarkood waxaan arkayay ku tilmaamaya Khatar baddan ayaa Soomaaliya ku soo socota oo Wabiga waa laga xidhay! waa wax Cajib ah in aan Soomaaliyana wax la rabno Dadkee Deegaankana aan duudsiyayno Xaqooda ama Xuquuqdooda, Haddii aan dhiiragalinayso Soomaaliya inay nabad qaataan oo Itoobiya iska celiyeen midaas waa arrin Siyaasadeed, Haddii aan leenahay Soomaaliya Taageero Siyaasadeed aan kaga raadinana, Shalay ayay ahayd Odoyaasha Soomaaliya markay lahaayeen Xamar Ninkaan u dhalan waa Marti! Shacab Cuqaashooda saas u fakarayaan uma malaynayo in Taageero Siyaasaad aan kaga raadin karro Wabiga Shabeelle la idin ka xidhay!  Waa arragti gaaban waana Xisaab qaldan oo Siyaasadeed.

Shuruucda Caalamku waxay dhigayaan Heshiis Caalamiga ah ee Biyaha una dhaxeeya Dalalka Dariska ah. Muddo ka hor waxaan daabcnay in 30 Sanno ee soo socota ay dhaci doonaan Biyo La,aan baahsan oo ka taagan Caalamka gaar ahaan Bariga Dhexe Iyo Africa. Arrimahan waa kuwa la filayay lana fili doona inay gali doonaan Marxalado adag. Labbada Shacab ee Soomaaliyeed ee ku kalla nool Jamuuriyadda Soomaaliya Iyo Gobalka Itoobiya haysato ee Soomaalida Ogaden labbada waa u baahan yihiin Biyaha Wabishabeele Xaqa koobaadna waxaa leh Kuwa Biyaha ugu soo horeeyo!

Muuqaallo qaarkood oon daawaday waxaa ku jiro haddalo ay ka mid yihiin Shacabka Soomaaliya ayaa ka jawaabi doonaa Biyaha la xidhay! Waxaan oran karaa haddaladaasi waa kuwo cadiif fudud ku jirto, Dalka Soomaaliya Iyo Itoobiya biyaha way ka wada hadli karaan si Siyaasadeed waana laga arrinsan karaa balse mahan mid aan maanta oran karnaa Dadka Soomaaliyeed Awood ayay ku leeyihiin inay Biyaha ku dagaalamaan. Aan noqono waaqici , Dalka Masar oo ah Dal awood Ciidan Iyo Dhaqaale awooda ayaa ku hagaagi waayay in Xal uu kaga gaadho dagaal Biyaha Nile.

Shacabka Soomaalida Ogaden marka aan xaqiiq u nimaadno waxay Xaq u leeyihiin aan laga gorgortamaynin Biyahaas soo marayaa ee qaar ka mid ah Deegaanadooda asal ahaan ka yimaada in ay nolol ahaan kafaidaystaan waana khayraad ay xaq u leeyihiin Haddii aad leedahay maya kama noolan kartid Biyahaas, Waxay xaq u leeyihiin inay Biyahaas Difaacdaan!

OgadenToday Press

4 Responses “Wabi-Shabeelle, Muqdisho Iyo Mustaqbalka Shacabkeena ? Qoraal Kooban”

  1. avatar April 1, 2016 at 4:09 pm

    horta qoraalkiinu wu isku dhax jiraa ee ama ficil sameeya oo warbahinta somalida sida ay u hadleen ugu jawaaba ama iska aamusa taasi waa taas
    tan xigta markaad magaca sheegayso waxaad dhahdaa ama aad ageegsataan DDSI ama Gobalka Ogaden lkin aad meesha ka saartaan somali galbeed .
    taa markaan ka gudbo shacabka somalida ethiopia ee samaha jecel waxaan leehay ka faaiidaysta baaqa madaxwyne cmc uu idiinku baaqay inaad dhulkiina khayraadkiisa lasoo baxdaan oo saboolnimda ka baxdaan.

    shacabka somalida waxaan leehay maxaad uga xuntihiin shacbkanangu sida ay khayraadkoodi uga faaiidaysanayaan .waxaan leehay ama qaylya ama ha qaylyina biyaha wabiga shabeele laga soo bilaabo iimay ilaa mustaxiil wan beeraynaa dhulka iyo biyahaba anagaa leh waxaan idinka idin waydiinayno ma aha .

    lakin waxaan idin leehay cidii shaqaalaysiin u baahan mar dhow oon foagayn ajnabi badan badan ayaa dhulkanaga ka shaqayn dooona oo noo shaqayn doona gacmo furan oo darisnimo ayaan idinku soo dhawayn doonaa
    afrikacnaka kale wad nooga sokayn doontaan
    lakin hadii nin xoolihi aad iska haysan jirtay maalinta uu kaaga baahdo wuu kaa qaadan wabiga hadii aad xumaan ka dhigteen qaadanay xitaa togoga wan xidhanay cid kasta waxay leedahay ha haysato .
    somaliya sida uu abwankaanagi dhoodaan idin sheegay mar hore ayaad dhaca bilowdeen lkin anaga ayaa idinka hoos qaadi waynay .

  2. avatar April 1, 2016 at 6:19 pm

    asc dhamaan umada islamka ah salan kadib anigu anoon cidna dan iyo muraad tona kala hayn waxaan odhan laha ama aanba leyahay wabiga hada cidna maba xidhanine hadaaan gacanta mamulka wadanka ku dhigo koobo biyo ah kor igama baxdeen waayo cidkasta waxa ay ledahay bey ledahay mana lihi waxan ku xumaynayaa cid aan necbahay ama qolo gaara ee waa seytahay xebta somalidu ku dhereran tahay waxan rabo kalama so dagi karo xataa sida galada loga canshuro sikaduwan bbaa la iga canshuraa anoo maskiina ayaan hadana xoolahayga ku bixiyaa

  3. avatar April 2, 2016 at 12:43 am

    Asc wàn idin salaamay salaan kadib horta Marka hore waxaan idin xasuusin in biyaha ilaahay leeyahay dhulkana uu ka soo saaray hadii xalada qalayaa ee hada it oo biyo ku socoto ay ku sii jirto meel o goday ka fog baa laga xiriir
    Tankale dadka koonfurta soomaliya saw iyagi lahaa Itobiya waa walaaladaano
    Hadaba waxaan idin xasuusinayaa
    Waxa wobiga idinka xidhay waa g abraha madaxtoo Yada soomalia fadhiya isagana idin furi Kara idin kana xidhay ee ama baryo wax kaga qaata ama xoog

  4. avatar April 8, 2016 at 4:48 pm

    asc waan Odin salamay salaan kadib aniga waxay ilatahay biyaha wabiga shabeele waxaaa xaqvuleh qofksta oooo shabeele agmaro
    tankale hadaan nahay DDSI waan jecelahay walaalahanaga somaliyeed waxana ujecelahay dhalasho iyo dhiig naga dhaxeeya eee ma ahan siyaasad
    biyahana abaraha ayaaa yareeyay
    madiidanin biyo xidheenka wayn eee galbeedka godey in uuuu dhimayo biyaha lkn Somali ooomi nagama aha eee faaiido ayaan raadinaynaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin