Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Wararka Qubaha Itoobiya


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(OgadenToday Press)-  Hogaamiyaasha  Xisbiga Mucaaradka Itoobiya ee Afka qalaad loo yaqaan Ethiopian Federal Democratic Unity Forum (MEDREK) ayaa qoraal dheer oo maanta Warbaahinta Caalamiga ah ee Reuters siiyeen waxay sheegeen in In ka baddan 2000 oo qof Ciidamada Dowlada Itoobiya ay xidheen Seddexdii Isbuuc ee ugu danbaysay.

Dr Beyene Petros oo ku hadlay Afka Xisbiga ayaa Dowlada baaq u jeediyay isagoo dhanka kallana canbaareeyay falkan baahsan ee lagu hayo Shacabka.

Tallaabadani waa mid Aargudasho ah waana mid Xukumadan, waxayna 12 goobaad ka soo aruuriyeen Dad gaadhaya illaa 2627. Isagoo haddalka sii wata ayuu yiri u jeedad guud uun ee waxaas Dowladu u samayno waxay tahay inay ka hortagaan Mustaqbalka mudaaharaadyo, Ayuu u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa u muuqataa wal wal haysta Xukumada Dowlada Itoobiya. tan iyo intii Mudaaharadka Itoobiya ka dhaceen kuwaas salka ku hayay Dhulka u dhow Addis Ababa oo la doonayay in laga saaro dadka kuwaas oo ah Qoomiyadda Oromada ayaa waxaa ku dhintay dhowr boqol oo qof.

Qoddobka Labaad ee Qubaha.

Wafuud ka kala socota Dalalka Maraykanka Iyo Midowga Yurub oo ka socda, Xuquuqul Insaanka Iyo La,aamaha Deeqaha Caalamiga ah ee Itoobiya la siiyo.  Masuuliyiintan ayaa Dowlada Itoobiya arrimaha Xuquuqul insaanka kala hadlay waxaana Dowlada Maraykanku Iyo Itoobiya isla qaateen in ay jiraan dhaliilo baddan. Dowlada Itoobiya ayaa dhankeeda Maraykanka ooga dacwootay in Wasaarada arrimaha qoraalada ay soo saareen midaas ku sheegeen in waxyaabo baddan oon jirin qoraan.

Addis Ababa Iyo Guuxa Asmara

Addis Ababa waxaa si aad ah loo haddal hayaa Isbahaysiga Cusub ee Qoomiyaha Oromoya, Ogaden, Sidamo, Gabelle ku bahoobeen. Dooda ayaa ah maxay ka baddali karaan hannaanka Siyaasada dalka Iyagoo dareen shacab abuurayaa. Isbahaysigaas oo Qaarada Yurub lagu aas-aasay Kullankooda Dhismaaha Guddiga lagu sameyay

 

OgadenToday Press

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin