Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

BAARLAMANKA OROMIYA OO KA DOODAY XAALADA GOBOLKA


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

BAARLAMANKA OROMIYA OO KA DOODAY XAALADA GOBOLKA

opdocouncilADDIS ABABA – Gollaha u arrimiya Oromiya ayaa soo gabagabeeyey shir 2 maalmood ah oo ay kaga doodayaan xaalada siyaadaseed ee gobolku ku sugan yahay.

Madaxweynaha Oromiya, Mukhtar Khadir, ayaa sheegay in shirka diirada lagu saaray ka jawaabida cabashooyinka dadweynaha, gaar ahaan kuwa khuseeya dhanka horumarka.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in la soo gaadhi xilgii la raaligalin lahaa dadweynaha isalamarkaa meesha laga saari lahaa waxyaabaha caqabada ku ah maamul-wanaaga.

Waxaa jira cadaadis xoog leh oo saaran ururka OPDO oo kaga imanaya dhanka dadweynaha iyo xukuumadaba. Shacabka Oromiya ayaa aaminsan in ururku ku guuldareystay xal u helida dhibatooyinka ka jira gobolka, gaar ahaan dhanka musuqa, garsoorka, qaybinta dhulka iyo shaqo la’aanta.

Xukuumada EPRDF ayaa dhankeeda xisbiga ku eedeyneysa in uuna waxba ka qaban mudaharaadyadii iyo rabshadihii gilgilay gobolka oo dalka oo dhan khalkhal galiyey.

Docda kale, baarlmaanka ayaa sameeyey isku-shaandhayn iyo magaacabid cusub sida lagu qeexay xogta lala wadaagay warbaahinta dalka.

Beker Shale ayaa loo magaacabay gudoomiyaha OPDO iyo madaxweyne-ku-xigeen. Xubinkan ayaa waxaa kale oo uu noqon doona madaxa arrimaha aftida iyo codeynta baarlamaanka.

Teferi Tayeru ayaa isna loo magaacabay ku-xigeen madaxweyene iyo madaxa xafiiska beeraha, halka Bezu Wakbeka loo magaacabay madaxa nabadgalyada iyo amaanka.

Oromiya ayaa weli laga dareemaya xiisad la xidhiidha mudahaardyadaii iyo rabshadhii bilaabmay bishii Noofambar ee kal hore.

Waxaa sheegid mudan, in ururada mucaaradka ahi xukuumada ku eedeeyeen in weli la qaqabanayo siyaasinta iyo shacabka Oromada kadib markii dawladu sheegtay in xaalada caadi lagu soo celiyey islamarkaana raalagalin ra’isulwasaarahu bixiyey.

Lama huba sida isbadalka cusub iyo ballanqaadyada OPDO dadku u soo dhaweyn doonaan.

Xuquuqad warka waxaa iska leh somalistate.com oo soo diyaarisay. meel kale laguma soo qori karo iyada oo aan la xusin isha warka

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin