Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

EPRDF OO SOO GUNAANADAY SHIR 2 MAALMOOD U SOCDAY


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Shirka ayaa diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo abaaraha dalka ku habsaday.

Kulanka oo shalay soo xidhmay ayey xukuumadu ku balan-qaaday kaalmo dheeraad ah oo lala gaadho dadka ku tabaaloobay abaaraha. War-murtiyeed xisbigu soo bandhigay ayaa lagu xusay in 16.5 bilyan oo birr loo qoondeeyey gargaarka abaaraha.

Xogta shirka laga soo saaray ee saxaafada lala wadaagay ayaa u badneyd dhanka horumarinta dhaqaalaha, warshadeynta dalka iyo kobcinta dimuqraadiyada.

Dadka lafa-gura siyaasada wadanka ayaa xusay in ay kulanka hadheysay xaalada siyaaseed ee dalku uu ku jiro, gaar ahaan rabshadaha ka socda gobolda qaarkood iyo sida dawladu ula tacaashay, hasayesshe go’aamada arrinta ka soo baxay lalama wadaagin saxaafada.

Warbxinta EPRDF ayaa lagu tibaaxay in hay’adaha dawlaga ah loo barbaariyo dimuqraadiyada iyo dhisada waaxyo warfaafineed oo ka turjuma danaha dalka iyo dimuqraadiyada.

Waxaa kale oo ay EPRDF hoosta ka xariiqday hirgalinta xisbiyo sharci ah oo si nabadgalyo ah uga qayb-qaata siyaasada wadanka.

Ururada mucaaraadaka ah iyo kuwa aan dawlga ahyan ee fadhigoodu yahay Itoobiya iyo dibadaba ayaa dawlada ku dhaleeceya sida ay ula dhaqanto dadk ka soo horjeeda siyaasadeeda, saaxafada xorta ah iyo siyaasinta mucaaradka ah.

EPRDF ayaa in badan ku baaqday in dalku sameynayo isbadal iyada oo wax laga qabanayo musuqmaasuqa, maamul-xumada iyo sida loo maamulo dhulka, laakiin dadka shacabka ah ayaa weli sugaya in xukuumadu fuliso balan-qaadyadeeda.

Ururka talada haya ayaa la tacaalaya kacdoon ka jira gobolada dalka qaarkood iyo abaarihii ugu darnaa ee dalka soo mara muddo 50 sano ah.

Xuquuqda warbxinta waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay. warrka meel kale laguma soo daabici karo iyada oo aan la xusin isha warka.

ADDIS ABABA – Ururka EPRDF ee haya talada Itoobiya ayaa soo afjaray kulan 2 maalmood u socday oo lagaga arrinsanayey xaalada dalku marayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin