Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Itoobiya Iyo Maraykanka oo Heshiis Militari kala Saxiixday


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Mareykanka iyo Ethiopia oo heshiis amni kala saxiixday kana wada hadlay amniga Somalia

 

Dowlada Mareykanka iyo Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis amni oo dhinacyo badan taabanaya.Heshiiska la kala saxiixday oo ah kii lixaad ee amni ee ay labada dowladood kala saxiixdaan ayaa waxa uu dhigayaa in labada dhinac ay iska kaashadaan dhanka wardoonka,in Mareykanku Ethiopia ka caawiyo dhanka qalabka militari,sidii Alshabaab looga cidhib tiri lahaa Somalia,tababarka ciidamada iyo dhanka la talinta arimaha ciidamada.Marka laga soo tago qodobada heshiiska waxaa munaasabada hadalo ka jeediyay Wasiirka Difaaca ee Ethiopi Siraj Fegassa,generaalka madaxda ka ah ciidamada Mareeykanka qaybta Africa(AFRICOM) David Rodriguez,Kuxigeenka Kaaliyaha Wasaarada Difaaca Mareykanka qaybta Africa Amanda Dory.Nuxurkii hadaladii laga jeediyay munaasabada waxaa kamid ahaa in Wasiirka Difaaca Ethiopia uu goobta ka sheegay in xidhiidhka dhanka militari ee mareykanka iyo Ethiopia uu soo jiray muda kabadan 100 sano uuna rajeynayo inuu sii jiri doono.

Dhanka kale masuuliyiinta Mareykanku waxay Itoobiya ku bogaadiyeen doorka Itoobiya ee hawlgalka AMISOM iyo ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay waxayna sheegeen in arintani ay muujinayso horumarka iyo awooda Ethiopia.Masuuliyiintii Mareykanku waxay xuseen in labada dalba ay muhiim utahay tirtirida Alshabab.

Qodobadii kale ee munaasabada looga hadlay waxaa kamid ahaa la dagaalanka argagiixisada,dib uhabaynta laamaha amniga ee Somalia,iskaashiga labada dowladood iyo isdhaafsiga xogaha.Taliyaha ciidamada Mareykanka qaybta Africa general David Rrodriguez ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanka ay ka go’antahay taageerida AMISOM oo ay ugu horayso sidii Alshabaab looga saari lahaa dooxada Jubba.

Heshiiska waxaa dhanka Mareykanka uga qeyb galay,kaaliyaha kuxigeenka wasaarada difaaca Mareykanka qaybta Africa Amanda Dory,taliyaha ciidamada Mareykanka qaybta Africa Gen.David Rodriguez,taliyaha ciidmada Mareykanka qaybta Geeska Africa Maj. Gen. Mark Stammer iyo safiirka Mareykanka ee Ethiopia Patricia M. Haslach.

Dhanka Ethiopia waxaa heshiiskan uga qayb galay wasiirka difaaca Ethiopia Siraj Fegessa iyo taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia gen.Samora Yunis.

Xigasho: DH

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin