Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Al-Shabaab oo soo saarey ‘Muuqaalka’ weerarkii Ceel-Cadde


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Al-Shabaab oo soo saarey ‘Muuqaalka’ weerarkii Ceel-Cadde

ceelcadde

Ururka al-Shabaab ayaa soo saarey muuqaal ay ka duubeen weerarkii Ceel Cadde, Muuqaalkan oo loo sameeyey qaab dicaayad iyo Borobogaando ah ayaa muujinaya qaabka uu ku bilowdey iyo sida al-Shabaab u qabsadeen Saldhigii ciidamada kenya ku lahaayeen Ceel Cadde.

Weerarka Ceel-cadde ayaa dhacay maalin Jicme ah 15 Janaayo 2016.

Cajilka al-Shabaab sii daayeen ayaa ku baxaya luuqadaha Soomaali, Carabi, English iyo Siwaaxili. Waxaana ugu horeyn ka soo muuqanaya nin wejigu u duuban yahay oo ku hadalaya afkaa Ingriiska, Waxaana uu hordhac u samaynayaa cajilka al-Shabaab ka duubeen dagaalkii Ceel-Cadde.

Cajilka dicaayadda ah oo al-Shabaab soo saareen ayey ugu magacdareen Weerarkii Abu Yaxya Al-libi oo ahaa ku xigeenka ururka al-Qaacida kaas oo maraykanku kun diley dalka Afqaanistaan sanadkii 2012.

Muuqaalka qofka weheliyey weerarka is-miidaaminta ah

Muuqaalka ninka fuliyey weerarka is-miidaaminta ah

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax aad u culus oo uu fuliyey nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Cali oo loo yaqaan Farxaan.

Qaraxa oo dhacay xili arooryo hore ah waaguna si fiican u dillaacin, ayaa waxaa ka dhashey qarax aad u weyn oo hilaaca olokiisa meel fog laga arko, kadibna waxaa xigey weerar qorsheysan oo dhinac kasta ay kaga qaadeen al-Shabaab, waxaana ka qayb-qaadanaya gawaarida tiknikada ee ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, kuwaas oo ahaa nooc ay horey uga qabsadeen ciidamada Kenya, weerarkan ayaa socdey muddo saacado ah ilaa waagu si fiican u dilaacay lana gaarey qorax soo baxa, sida cajilku muujinaayo.

Cajilka ayaa muujinaya in weerarku ciidamada Kenya dhinac kasta uga socdey, marka la eego qaar kamid ah gawaarida gaashaaman oo isku dayaya in ay baxsadaan, kuwaas oo hadba jiho isku kicinaaya.

Al-Shabaab waxay sheegteen in ay ku dileen weerarka askar ka badan 100, kuwaas oo ay meydadkooda soo sawireen, waxay gubeen gawaari badan, waxaana ay nolol ku qabteen qaar ka mid ah askarta KDF.

Cajilka ayaa muujinaya al-Shabaab oo raranaya agabkii ay ku qabsadeen Saldhigga oo ay ka mid yihiin sanaadiikh aad u badan oo rasaas aad u badan ku jirto, qoryaha fudud iyo kuwa culus iyo weliba gawaarida gaashaaman oo badan.

Muuqaalka al-Shabaab sii daayeen waxaa ka soo muuqdey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee sheegaya in Kenya laga diley askar ka badan 180, iyo ka qaybgalkiisi xuskii loo sameeyey askartii Kenya looga diley Ceel Cadde.

Dadka kale ee codadkooda laga sii daayey cajilka waxaa kamid ah  Hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman Zawaahiri, Abu Yaxya al-libi oo weerarka loogu magacdaray, Aboud Rogo Mohammed oo ahaa wadaad Kiinyaatti ah oo sanadkii 2012 lagu diley magaalada Mombasa iyo afhayeenka al-Shabaab Cali maxamed Raage.

Muuqaalka  al-Shabaab si daayeen waxaa ka soo muuqanaya qaar ka mid ah askartii ay dagaalka ku qabteen, kuwaas oo ka dalbanaya Dowladooda in ay fuliyaan dalabka al-Shabaab, muuqaalka askarta ayaa ahaa isla maalmihii la qabtey, lamana garanayo hadda waxa xaaladoodu tahay.

Ugu danbeyntii waxaa cajilka ka soo muuqanaya ninkii wejigu u duubnaa ee bilowgii hore ka soo muuqdey, waxaana uu ballan qaadey in weerar kale oo kan la mid ah imaanayo, balse wuxuu is-weydiiyey goorta iyo goobta.

Kadib weerarkii Ceel-cadde Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu ballan qaadey in ciidamada Kenya ay Soomaaliya sii joogi doonaan, inkasta oo saldhiyada qaarkood ay isaga baxeen.

ceelcadde5

ceelcadde4

ceelcadde2

Horseed Media 2016

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Other

avatar

About admin