Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Itoobiya oo Masar ku eedeysay Taageerida Mucaaradka


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(OgadenToday Press)- Wargayska Caanka ah ee Dalalka Carabta ka soo baxa Al-Monitor ayaa shaaciyay in Dowlada Masar wacad ku martay inay illaalinayso isla markaasna difaacayso Xuquuqda Qaxootiga ka soo carara Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa maalmo kahor ku eedeysay Dowlada Masar inay Taageerayso Mucaaradka Itoobiya kadib markii Qoraayaal Caalami ah oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada Xaflad ku qabsadeen Saraakiisha Amniga Masar ayaa Xafladaas ilaalinayay balse mahayn mid ay si toos ah uga qayb qaateen sida ay sheegeen Saraakiisha Masar.

Masar ayaa dhankeeda sheegtay in Dadkan Yihiin Qaxooti Magan galyo ku jooga Dalka Masar kana diiwaan gashan Hay,ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobey. Itoobiya ayaa arrinkan walaac balaadhan ka muujisay.

Muddo horre ayaa RW horre ee Itoobiya ee Geeriyooday Melez Zenawi ku eedeyay Xukumadii Dhacday ee  Mucaarak in at taageeraan Mucaaradka Itoobiya midaas Masar ku tilmaamtay haddal la yaab leh. Xukumadaas Mucaarak ayaa gabi ahaanba Qaarada Afrika aan xidhiidh wanaagsan la lahayn.

Xafiiska Qaxootiga ee Masar waxaa ka diiwaan gashan illaa 7000 oo qof oo Itoobiyaan ah kuwaas Magangalyo waydiisatay.

OgadenToday Press

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin