Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

ONLF oo Shir qool Fashilmay ka bad-baaday


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(OgadenToday Press)- Ururka ONLF ayaa Isbuucii la soo dhaafay waxaa uu ka bad-baaday Kacdoon ay isku dayeen Koox ku suggan Dalka Koonfur Afrika kuwaas ahaa Xubno ka tirsan Ururka ONLF gaar ahaan Jaaliyadda Koonfur Afrika. Xubnahan oo in muddo ah soo shaqeeyay aadna Madaxda Ururka ONLF u buun buuniyeen intii ay Xubnaha ahaayeen.

Xubnahan ayaa sida Shabakada Warbaahinta Ogadentoday Press baadhitaan ku ogaatay qorshahan wadday muddo 2 Bilood ah. Qorshahan ay xubnahan ku tallaabsadeen ayaa lagu fasiri karaa ” Political Suicide” Is gowrac ama Isdil Siyaasadeed oon lagu samayn Araggti Halgameed Iyo Mid Aqooneed.

Marka Kobaad Xubnahan waxaysan gar waaqsan in Madaxda Ururka ONLF Dal Iyo Dibad ay si xoogan iskugu xiran yihiin isla markaasna Hogaanka Ururka ee Dhanka Siyaasada Iyo Militariga isku xidhan yihiin isla markaasna Hogaanku uu yahay mid xidido adag ku fadhiya.

Tallaabooyinka Culus ee fashilmay ee Kooxdaan ay qaadeen waxaa ka mid ah in Taliska Ciidamada ONLF la hadleen isla markaasna isku dayeen innay u ballan qaadaan in Dhaqaalaha Ururka lagu taageero ee Dalkaas si toos ah loogu wareejiyo Madaxda Ciidanka midaas baddalkeedana Madaxda Ciidankuna Taageeraan Qorshahooda ah inay Xubnaha ugu sarreeya Ururka ONLF la baddalo.

Talliska wuxuu arrintaas la wadaagay Hogaanka Sarre ee Ururka isla markaasna Jawaab celinta ay siiyeen ay ahaydeen aan baddalnee maxaa lagu baddali ” Su,aasha Ciidanka way diiyaan waxay ahayd ” Ma waxaad ugu shakisan tihiin in Halganka Marin Habaabinayaan oo Itoobiya u galinayaan? Xubnahan oo iska fogaynayaa inay wax dagaal ah ku jiraan ayaa ku jawaabay ” Maya” Haddaba Iyaga la hadlaa ayaa lagu dhameeyay.

Xubnahan waxay kaga bilaabeen Haddalka Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Maxamed Ismaaciil, Dood dheer uu muddo socotay waxay ku dhamaatay in la isla gaadho heer la yaab leh oo aanan doonaynin inaan faafaahino.

Kaddib waxay la hadleen Gudoomiyaha Ururka, Maxamed Cumar, Madaxda Arrimaha Dibada, Cabdi Raxmaan Sheekh Mahdi, Afhayeenka Cadaani Hirmooge, Iyo Hogaanka Arrimaha Ururka Maxamed Cabdi Yaasiin. Muddo kadib waxay soo bandhigeen in Shirka Ururka lagu qabto Dalka Koonfur Afrika kadib la baddalo Hogaanka. waxaa wax la yaab leh ah in qaar Xubnahan ka mid ah doonayaan in Iyaga Hogaanka lagu darro. Sharciga Ururka ONLF ama Xeerka wuxuu dhigayaa in Hogaanka Sarre ee Ururka uu baddali karro 2 meelood marka isku raaceen Golaha Dhexe ee Ururka.  Xubnahan kuma Jiraan Gollaha Dhexe

Su,aalaha la is waydiinaya ayaa ah Maxaa Xubno Kaadir ah oo 7 qof ah go,aan intaas la eg oo Siyaasada Ururka Iyo Masiirka Shacabka ku kalifay innay ku dhaqaaqaan? ma Qorshe kalle ayaa jira oo dahsoon ? Maxaa Keenay in Kaadir walba oo Uruka ONLF innuu ku dhaqaaqo tallaabo lagu fasiri karro is dal-dal Siyaasadeed oon aan laga fiirsan? Maxay saameeyn ku yeellan kartaa arrintan Ururka,? say Xubnaha ama Kaadirka Ururka u arkeen Xubnahan?

Haddii aan Su,aalahan ka jawaabo labbada u danbaysa gabi ahaanba Xubnahan waxaad moodaa inaysan helin Taageero kalle oo Xubnaha Ururka ah ama Kaadirka Miisaanka culus ku leh Ururka. Dhanka Saameeynta waxaa la oran karnaa Xubnahan wax saameyn ah oo ay ku yeellan karaan malahan sababtoo ah Dalka South Afrika oo ay ku nool yihiin Xubno aad u baddan kama haysaan Cod Kalsooni ah waana mid loo arkay Tallaabo khaldan oo lagu deg-degay. Xubnahan waxay ka taageen Muuqaal Taariikh ah midkaas oo ku baahiyeen Bogga Interner ee Facebook waxayna ugu sheegeen inaysan marnaba aaminsayn Itoobiya isla markaasna aaminsan yihiin in Shacabka Ogaden uu gumaysi ku jiro.

OgadenToday Press

Tags: , , , , , , ,

8 Responses “ONLF oo Shir qool Fashilmay ka bad-baaday”

  1. avatar
    Ali
    April 12, 2016 at 4:33 pm

    Sheeko macna badan samaynaysa soo qor war aan biya dhac lahayn baad soo dhigtay meesha

    • avatar
      ogaden
      April 13, 2016 at 2:24 pm

      waxan filayaa waxad waxba lafahmi wayday saad rabtay ayaan wax loosoo qorin marka kuma anfacdo adiga sheekada nuxurkeeda fahan waxii ku anfacana qaado bro lakiin indho la aanta ka gudub

  2. avatar April 12, 2016 at 9:59 pm

    Macno darida iyo major habaabinta umada ee mudada dheer soosocotay masiisocon karto waana lays fahmay Adiguse ma jabhad. Baad tahay waxaan ku,odhan lahaa haka habsaamin shaqadaadii iyo xayaysiinta iley

  3. avatar
    Aaden qawle
    April 13, 2016 at 6:19 pm

    Waxaan filayaa Ninka iska leh Ogadentoday maadaama wax badan lagu eedeeyey inuu jigjiga iyo Cabdi Ileey usii socdo hada inuu iska gado madaxda ONLF.saaxiib sida uu ninkas iga horeeya kuu sheegay sheeko gadmaysa ama macno keenaysa soo qor,xubnahaas aad wax ka sheegayso onlf ragii ugu sharafta iyo shaqada badan ayay ahaayeen markay u adkaysan waayeen qalooca iyo qalafsanaanta madaxda onlf na waxay door bideen inay danahooda iska raacdaan oo aysan ka hoos shaqaynin odayaashan macangaga ah ee onlf gacantooda ku babi,inaya,waxa garasho kuugu filan wa hadaadba wax garanaysee maysan istiqaalo iyagu soo gudbisteen haday rag xun yihiin ama aysan dhaheen golayaasha hanagala saaro waan ka baxaynaa onlf e,waxaana saaxiib kuu sheegi in haday odayaasha sidan kusii socdaan rag badan oo gole dhexe iyo kaadir ba leh aysan odayaashan sii daba socon doonin laakiin waxa laga tagi la,yahay uu yahay laxejeclo halganka ka haysa..

    • avatar April 16, 2016 at 11:21 am

      Ninkii ajende qarsoon wata wakhtigiisu waa gabaabsi. Mulkiilaha Ogadentoday waa halyay horumar iyo hal abuur suxufino layimid, wuuna kafiican yahay kuwo badan oon halganka waxba ugu filayn.

  4. avatar April 14, 2016 at 3:52 am

    Waxaan dhihilahaa gacma geeljire hoos ayaa loodhaqaa
    Waana in qofkasta lagu ixtiraamaa fikirkiisa

  5. avatar April 17, 2016 at 3:43 pm

    Onlf arinmahaysee ethiopia halayska raaco. Waan hubaa karti aan kuxorowno mahaysanee. Aan ethiopian iska noqono

  6. avatar
    quwaax
    April 23, 2016 at 7:38 am

    annagu ummad baanu nahay. ilaah dad leh baanu nahay. ogaadeenya baanu nahay. Ethiopia kama tirsanin… waxaa kale ruux walaw halgankaa waxaad ku darsato, iyo waxaad ka goyso umbaa ADDUUN IYO AAKHIRO KUU YAAL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin