Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Itoobiya oo xidhay Baraha Bulshada ee Internet


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

ITOOBIYA OO XIDHAY BARAHA BULSHADA EE INTERNET-KA

twitterADDIS ABABA – Baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ayaa ka go’an qaybo Itoobiya ah oo uu ku jiro gobolka Oromiya oo ay hadheyeen mudaharaadyo iyo rabshado.

Dadka leh Mobile-da casriga ah ayaa xusay in muddo ka badan bil ayna istcimaali karin baraha bulshada, gaar ahaan WhatsApp, Twitteka iyo Facebook.

Macalin wax ka dhiga Jaamacada Ambo, Seyoum Teshome, ayaa sheegay in Woliso oo u jirta caasimada 115km aan laga isticmaali karin baraha bulshada. Degmadan ayaa ka mid ah meelihii rabshadaha xumi ka dhaceen.

Seyuom ayaa rumeysan in EthioTelcom ay ka dambeesay xidhida baraha bulshada isaga oo xogtan la wadagay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka.

Waxaa xusid mudan, in muqaalo iyo xogo la xidhiidha mudaharaadyadii Oromada siyaabo kala duwan loola wadaagay qurbajoogta iyo saxaafada aduunka iyada oo arrintaas ay xukuumadu ka cadhootay.

Shirkadaha Twitter-ka iyo Facebuuga ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan xaaladan.

Itoobiya ayaa dhankeeda ka tibaaxday in ayna ahayn siyaasada dawlada in dadka laga xakamiyo baraha bulshada. Getechew Reda oo dawlada u hadlay ayaa xusay in dhibaatado la xidhidhi karto cilada xaga farsamada ah.

Docda kale, ururka Human Rights Watch ayaa xusay in arrintan ay qayb ka tahay talaabooyinka xukuumada Itoobiya ku xayireyso xoriyada hadalka iyo in bulshadu hesho wararka loo baahan yahay.Ku-xigeenka waaxada Afrika ee ururka, Leslie Lefkow, ayaa sheegtay in ujeedada xukuumada Itoobiya tahay in la daboolo waraka mudahaaradyada Oromada.

Xukuumada EPRDF ayaa la tacaaleysa rabshado goobo dalka ah ka dhacay iyo abaartii ugu xumeyd ee dalka ka dhacda muddo 50 sano ah.

Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay. Warbxinta ama qayb ka mid ah meel kale laguma soo qori karo iyada oo aan la xusin isha warka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin