Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Gorfeyn- Waa Maxay U jeedada ka danbaysa Qorshaha ONLF ee Kaadirka?


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


In kastoo si dhab ah aan loo xaqiijin karrin haddana Falsafasa Cilmiga Siyaasada waxay noo sheegi kartaa innuu jiro Hannaan Dahsoon oo ka danbeeya Qorshaha Is dilka Siyaasada ee ay ku kaceen Xubno ka mid ahaa Ururka ONLF kuwaas oo muddo baddan shaqo wanaagsan soo qabtay balse tallaabo aan habooneyn oo deg deg ah qaaday aanan jeclahay innaan ugu nasteexeeyo inay dib uga fiirsadaan tallaabadaas waa haddii garasho iyo caqli saliim ah uu ku jiro aysana la tagin cadho.

Maxaa ku soo beegay xilligan Qorshahan?

Haddii aan eegno xilliga Qorshahan ku soo beegmay waa xilli xasaasi ah waana waxaana kulmay labba arrin oo dadka isku soo dhaweynayay. Labbadaas arrin ayaa ahaa Kow arrinta Dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ee Ogaden ee Jabuuti midkaas oo dhamaan Shacabka Soomaalida Ogaden meel uga soo wada jeedsadeen? Qorshaha kalle oo ahaa Isbahaysiga Ururka ONLF ee Asmara. Labbadan arrimoodba Diirada ayaa si weyn loogu hayay? Tallabaadan lagu dhaqaaqay waa mid u muuqatay Niyad Jabin iyo in Taageerayaasha lagu mashquuliyo Sawir Gacmaha la isa saaaray. Macno ma sheegayno in Telleefoon loo diro 10 sanno kahor nin Ururka ONLF ugu danbaysay waxaa macno sheegi karra in la hiigsado Hadafka wixii qaldana loo marro waddo munaasab ah.

Qaddiyadu ma leedahay Ehelnimo Iyo Saaxiibnimo?

Ehelnimadda Iyo Saaxiibnimada mahan mid shaqo aad ugu garbin kartaa Halganka waxyeeladiisa haddii aad saas samaynaysa ma tihid Shaqsi daacad ah ama Facebook qoraal ku soo qor ama Goobaha Cape Town Iyo Pertoria ee shaaha Lagu cabbo ka sheekee oo xumaan faafi.

Madaxda Ururka ONLF inay muddo baddan xilka hayaan shaki kuma jiro laakiin Muddaas baddan waxaa difaacayay waxay ahaayeen Adiga Iyo Iyaga haddii hadda aad leedahay aniga i raaca maanta oo Odoyaashan waa Macangaga sida haddalada qaar loo dhigayo qasab mahan in laguu raaco aragtidaada Haddii lagugu diidana mahan inaad Xanaaqdid ama aad Cuqdad qaadid. Cidna wax looma dhimayo lamana caayayo laakin su,aasha waxaa weeye Maxaa Cadhada keenay xilligan?

Mustaqbalka?

Ujeedada ugu weyn ma oran karnaa waxaa weeye in la mashquuliyo isla markaasna ” Physiological war” Dagaal nafsiyan ah lagu qaado Taageerayaasha ONLF ama Xubnaha ONLF. marka aan leenahay Dagaal Cilmi nafsi ah waxaan ka wadnaa mid lagu abuurayo khaakhuul Siyaasadeed oo mugdi lagu galinayo Halganka Iyo Maamulka Ururka loona tusanayo wax shaqsi leeyahay isla markaana khasaaro lagu jiro.

Dagaalka Noocan ah muddo baddan ayuu soo jiray isla markaasna la isku dayay in tashuush lugu furo Ururka ONLF iyo Qaddiyadda uu u dagaalamayo muddo baddan Ogadentoday waxay ku cel celisay Madaxda ONLF inay sameeyaan qiimayn xubnaha ah ” waa kuwama Taagerayaashooda” Xagay u socdaan? xal siyaasadeed ma furan yahay oo Qaddiyadan lagu xaliyo? Qoriga ma xalbaa? Su,aalahan markaan is waydiin jirnay qaar ka mid ah Xubnahan oo Warbaahinta Ururka ONLF isticmaalaya ayaa dagaal Ogadentoday ku soo qaadeen iyagoo dhago iyo indho la! waa sax haddii hada dhagaha iyo indhihii hadda u furmeen bale waxaan leenahay Dhagihii Iyo Indhihii waxaad u furteen dhinac khalad ah waxaadna ku darsateen siyaasad xumi iyo qalalaaso abuur. waxaana leenahay isma ogidin waxaa suurta gal in qaar idinka qaar ka mid ah loo dhiibay qorshe kalle oo qarsoon oo qaarkiin aad wanaajiya wax leedihiin.

Ugu danbayn in Xeerka Ururka qoddobo u baahan in la saxo waa jiraana waana leenahay Madaxda ONLF waa in Xeerka si habsi leh loo eego wallow aan oran karno Adduunka ma jirto Jabhada Xeer Dimoqraadi ku dhaqantay Xeerkan ama hala baabiyo ama ha lagu dhaqmo! Xeerkaan Magaca Kaadir maalin walba ku doodo Miiska waa in la saara Hummaaga ku jirana la gorfeeyo. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Xalaal dharaar ayaa la qashaa! QOF WALBA OO RABBA INUU DUMIYO AMA DARYEELO KOLBA SIDUU U DHIGAYO HADDALKA WUXUU KU DOODAA XEERKA QABA SIDAAS!

OgadenToday Press.

 

5 Responses “Gorfeyn- Waa Maxay U jeedada ka danbaysa Qorshaha ONLF ee Kaadirka?”

  1. avatar
    Ali
    April 14, 2016 at 3:56 am

    Anigu waxaan qabaa inad adigu dacaayad wado oo cadaw u shaqaynaysid

  2. avatar April 14, 2016 at 10:08 am

    10 sano ee u danbaysay waxaan u jeednay 8n shaqsigii onlf ka baxa laga daba geeyo daacayd ah halganku wax u noqon maayo lkn daacayadaad eedaan midhahedina waad haystaaan maanta marka iska soo qor qor sheeko xariireeda

  3. avatar April 14, 2016 at 1:15 pm

    soomalidu waxay ku maah maahdaa maroodigu ma arko takarta saaran ee wuxuu arkaa kale tasaaran … siyaasad xumo waata aad waxan aan meel uu u jeedo iyo meel uu ka jeedo lagaranayn aad usoo qorayso …. ee intaad isku noqoto soo cadee cida aad duulanka ku tahay .. hadii xubin pretoria jooga … ama cape town jooga adiga dhib idinka dhaxeeyo waa saad hadalka udhigtee ….. waxba website ka isticmaaline ugu tag meeshooda adba kama dheerid ee p.e. ayaad joogtaaye

  4. avatar April 15, 2016 at 1:19 pm

    asc kadib sxb adiga laftaada ayaan ahayn daacad waayo maxa ku daba dhigay dhalinyarada ka xun qaabka ay wax uwadaan sagaalka nin ee afdubka
    iyo xooga ku haysta qadiyada iyo magaca ummada sxb intaa kudaa fadlan waxa aad qoreyso ragbey danqeysaa

  5. avatar
    abdiqani moalim
    April 17, 2016 at 1:38 pm

    aniga wxn leeyahay hashiis ama dagaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin