Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Dowlada Itoobiya oo eedeyn loo jeediyay


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


 

(Soomaalipost)- Dowlada Itoobiya ayaa eedeyn xooggan loo jeediyay midaas oo ku aadan dhanka arrimaha Xuquuqda Aadanaha waxaana guud ahaanba Caalamku walaac xooggan ka muujiyay habka Xukumadaas ula dhaqanto Shacabka Itoobiya gaar ahaan Shacabka Qoomiyaddaha Oromada Iyo Soomaalida Ogaden. Dadka Soomaalida ah ayaan inta baddan la socon siyaasada Gudaha ee Itoobiya wallow qaar baddan ay buun buuniyaan Itoobiya.

Muddo ku dhow illaa 5 bilood waxaa dalka Itoobiya hadheeyay Rabashado kuwaas oo galaaftay Boqolaalan Shacabka ah oo ka soo Jeeda Qoomiyadda Oromada. Meesha Qoomiyadda Soomaalidu aysan lahayn awood ay ku mudaaharaadan kadib Ciidamo Militari Iyo kuwo hoos taga Maamulka Kililka oo si aad ah ugu suggan Deegaamadaas.

Afhayeen u hadlay Xukumada Itoobiya ayaa diiday eedaymahan wallow ay jiraan caddaymo dhab ah oo loo hayo.

Dowlada Itoobiya ayaa xidhay dhamaan baraha Interner sida Facebook Iyo Twitter sidoo kalle Whatsup Deegaamada Kacdoonada ka jiraan.

Duufaano Siyaasadeed ayaa hadheeyay guud ahaan Dalka iyadoo Shacabka Muslimka oo ah kuwa la aaminsan yahay inay yihiin ugu badnaan Dalka balse qaybta labaad kaga jira sida Tirikoobka Itoobiya uu sheegaya ay in muddo ah caasimada Dalka ka wadeen Mudaaharaadyo.

Itoobiya ayaa si aad ah u illaaliso xoggana waxaana ku xidhan Suxufiyeen illaa Siyaasiyiin Tiradda Dadka xidh xidhan ayaa la sheegaya inay kor u dhaafayso illaa 15 Kun oo qof.

Xigasho: Soomaalipost.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin