Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Itoobiya: Dabley 150 qof ku dishay Itoobiya


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(Soomaalipost)- Dowlada Itoobiya ayaa xaqiijisay in Dabley hubeysan oo ka soo jeeda Beesha Murile ee Koonfurta Sudan ay ku dilleen ugu yaraan 140 qof oo Itoobiyaan ah Xuduuda labbada dal u dhaxaysa.

Wasiirka Warfaainta Itoobiya ayaa u xaqiijiyay Weerarkan Warbaahinta Caalamka.

Isagoo haddalka sii wata ayuu yiri Dableyda Weerarka gaystaya waxaa daba jooga oo eryaya Ciidamada Ammaanka waxaana illaa iyo hadda laga dilay 60 qof.

Mar wax laga waydiiyay in in Dableyda weerarka gaystay ay taageero ka helayaan Dowlada Koonfurta Sudan ama Mucaaradka ayuu sheegay in aysan labbadana ku xidhnayn.

Gobalka Ganbella ee Itoobiya oo ah meesha uu weerarkan ka dhacay  waxaa si aad ah loogu yaqaan Dagaallo beeloodyo kuwaas u dhaxeeya Beesha Nuer  oo ah Hogaamiyaha Mucaaradka Sudan Iyo Meesha Murle kuwaas oo xoollaha Iyo Dumarka kalla dhaca.

Soomaali Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin