Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Tedros Adhanom oo kuhanjabay…..


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Tedros Adhanom oo kuhanjabay…..

 April 17–Wasiirka Arimaha dibada Taliska Addis ababa ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom ayaa sheegay in Maleeshiyadii Shalay xasuuqa kagaysatay Gobalka Gambeela ahaayeen kuwa laga soo abaabulay wadanka South Sudan taas oo sida uu qoraal uu dhigay bartiisa twitter ka kusheegay in kooxdii gaysatay falkii lagu dilay inkabadan 140 qof oo shacaba ahayd mid ay masuuliyadeeda qaadan doonto South Sudan.

Tedros Adhanom waxa uu kuhan jabay in dawladiisu qaadi doonto talaaba aar goosi ah islamar ahaanta ay gacan bira kuqaban doonto kuwii soo abaabulay falkani lagu xasuuqay Shacabka Gambeela. dadka lafa gura siyaasada geeska Africa, ayaa aaminsan  in dhibaatada kadhacday Gambeela ahayd mid Ethiopia soo abaabushay ayna kaleedahay dana siyaasadeed oo qarsoon, dhanka kale majiro wax wara oo ilaa iyo hada kasoo baxay dhanka xukuumada South sudan oo lasheegay in dablayda falka gaystay wadankeeda kasoo duleen dibna ugu laabteen halkii ay ka imadeen

Gaba gabadii waxaa sugi doona talaabada ay kudhaqaaqdo Xukuumada Addis ababa maalmaha fooda inagu soohaya

Xigasho: Ogaden Times

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Other

avatar

About admin