Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Ethiopia oo Safiir Cusub Umagacawday+ Khilaaf xoogan oo Udhaxeeya……


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


 

 

April 18 (OTP)- Dawlada Ethiopia ayaa Safiir  cusub umagacawday Wadanka Great Britain kaasi oo shaqada kala wareegi doona safiirkii hore ee wadankaai ujoogay Mr Berhanu Kebede ,  Safiirka Cusub ee Ethiopia Hailemichael Afework! ayaa lagu soo dhaweeyay safarada Taliska Addis ababa ee London oo ah halka uu  kushaqayn doono, magacaabistan ayaa qayb ka ah loolan dhanka awooda ah oo waayadanba udhaxeeyay saraakiishi horay ula soo shaqaysay Melez kii geeriyooday iyo dawlada Haile Mariam, warar hoose oo laxidhiidha khilaafka waayadanba kadhex jiray maamulka Addis ababa ayaa sheegaya in Raisal wasaraha Ethiopia wado qorshe uu xididada ugu siibayo dhamaanba saraakiisha ciidanka iyo kuwa siyaasada ee  qoomiyada Tigree ga iyo kooxaha ka agdhawaw,

Xurgufta siyaasadeed ee udhaxaysa xisbiyada kubahoobay EPRDF ayaa diba usoo baxay kadib magacaabistii golaha wasiirada ee dawlada cusub oo ah mid aan wali ladhamays tirin, waxaana sida muuqata Awooda dhanka siyasada wali kuhoreeya Haile Mariam oo gacan kahelaya wadamada reer galbeeda oo suurta galiyay joogitaankiisa xafiiska looga Arimiyo wadanka Ethiopia

Isku soo wada duubo waxaan la ogayn halka uu sal dhigan doono khilaafkan hadheeyay Xukuumada Ethiopia

Xigaho: Ogaden time, OTN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin