Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Sweden oo Ethiopia Kala Xajootay+Sawiro


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

Sweden oo Ethiopia Kala Xajootay+Sawiro

aa2a3April 21 (OTP) Dawlada Sweden ayaa martiqaad ufidisay wasiirka Arimaha dibada ee dawlada Ethiopia Tedros Adhanom, wasaarada Arimaha dibada ee Sweden ayaa sheegtay in mr Tedros ay kala xajoodeen Arima ay kamid tahay Xuquuqul insaanka, dimuqraadiyada, ilaalinta xoriyatul qawlka iyo arimaha nabad galiyada ee Gobalka geeska Africa oo Ethiopia wakiil uga tahay beesha caalamka. sidookale Wasaarada arimaha dibada ee Sweden ayaa sheegtay inay gacan kagaysan doonto abaaraha kudhuftay wadanka Ethiopia oo saamayn nolaleed kuyeelatay nolasha inkabadan 10.2 million oo Ethiopian ah

Kulan dhexmaray wasiirka arimaha Dibada Sweden Ms Margot Wallström, iyo xubna kale oo katirsan golaha wasirada ee wadanka Sweden iyo wasiirka Arimaha dibada Ethiopia Tedros adhanom ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay labada dhan kaga wada hadleen sidii loo wanaajin lahaa dhamaanba waxyaabaha kor kuxusan, intii uu socdaalka kujoogay Sweden Mr Tedros waxaa indha indhayn loo geeyay company ga Telephone nada ee Ericsson, dukaanka caanka ah ee H&M iyo shirkada farabadan oo kale oo kuyaala wadanka Sweden.

Xidhiidhka Ethiopia iyo Sweden ayaan ahayn mid wanaagsan taniyo intii xabsiga ladhigay labadii wariyee markii danbe lasoo daayay ee Martin iyo Johan. lama sheegin in Tedros balan qaad arimahaasi kusaabsan siiyay Sweden balse dadka siyaasada ukuurgala ayaa sheegay in kulan kani ahaa mid dib loogu xoojinayo xidhiidhka labada dal.

 

Xigasho: Ogaden Times

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin