Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Dagaalka Liyuu Booliska Iyo Shacab Malayshiyaad- Xog Balaadhan


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(Ogadentoday Press)- Deegaanada Docdheer oo ku yaalla Xuduuda u dheexaya Gobalka Ogaden ee Dowlada Itoobiya maamusho Iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka socday illaa shalay dagaallo xooggan kuwaas muddooyin la filayay kadib haddalo Iyo Ciidamo aruursi labbada dhan ka socda.

Dagaaladdan waxay daba socdaan Dad Shacab ah oo sheegtay in Ciidamada Liyuu Boolisku ka rareen Deegaanaooda isla markaasna baaq u diray Madaxweynaha Kililka oo ay sheegeen inay yihiin dad Itoobiyaan ah. Madaxweynaha Galmugud Cabdi Kariim Xusseen Guuleed ayaa baaq u diray Kililka waxaana haddaladiisa ka mid ahaa

” In Maamulka Kililka gaar ahaan Ciidamada Liyuu Boolisku ilaaliyaan Darisnimada, labbada shacabka aysan kala gaynin Colaad”

Wax jawaab ah kama soo bixin Haddalkaas Kililku. dagaalada ayaa qarxay ugu yaraan 50 qof ku dhintay sida la sheegay. waxaana Khasaaraha soo gaadhay labbada dhan. Ciidamada Liyuu Boolis waxay horey u laayeen shacab baddan Kullan lagu qabtay Jigjiga midkaas looga arinsaday arrimahan si xal looga gaadho. Ugaasba Beesha Habargidir ayaa Jigjiga tagay Iyo wafti kuwaas u hadlayay Dadka deggan Xuduuda Gudaha kuwaas ehel ay ahaayeen.

Dagaaladan wali waa kuwo daba socdaa dagaaladii horre waana mid aan illaa hadda xal laga gaarin. hadda Labbada dhan hub ayay isku aruursanayaan Dowlada Dhexe ee Itoobiya kama hadlin.

Masuul u hadlay Kililku wuxuu sheegay in Dagaalka ay ku jiraan Alshabaab, Galmudug Iyo Dowlada Soomaaliya. Dagaalkan waxaa si aad ah u soo dhaweeyy Warbaahinta Taageerta Cabdi Wali Gaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin