Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

MAAMULKA GAMBELLA OO SHEEGAY IN AY XABSIGA DHIGEEN 30 QOF


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube

MAAMULKA GAMBELLA OO SHEEGAY IN AY XABSIGA DHIGEEN 30 QOF

 

gatluakGAMBELLA – Madaxa maamulka Gambella, Gatluak Tut, ayaa sheegay in la qabtay 30 qof oo lagu tuhamay dilka 10 shaqaalaha gargaarka ah oo Khamiistii ka dhacay gobolka. Shaqaalaha la laayey ayaa dhamaan u shaqayenayey hay’ada Save The Children.

Shaqaaqada oo ka dhacday xerada qaxootiga ee Jawi ayaa ku bilabatay kadid markiii gaadhi booyad ahi uu jiidhay 2 caruur ah oo ka soo jeeda qaxootiga ka yimid koonfurta Suudan.

Qaxooti cadhaysan ayaa si aargudasho ah u laayey dad ku dhow 20 qof oo ay ku jiraan 10 shaqaalaha gargaagrka ah oo dhamaantood Itoobiyan ah.

Gatluak ayaa sheegay in maamulkiisa oo kaashanaya booliska iyo ciidanka federaalka ahi ay xaalada amaanka sugayaan. Gobolka ayaa labadii toddobaad ee u danbeeyey la daala-dhacayey weeraro iyo shaqaaqooyin ay ku le’edeen dad kor u dhaafay boqollal islamarkaana ay ku bara-kaceen ilaa 20,000.

Docda kale, weli wax xog ah lagalama hayo halka ay ku danbeeyeen haween iyo caruur dagaalkii hore lagu afduubay oo ciidanka Itoobiya baadi-goobayaan.

Gudoomiyaha Gambella ayaa sheegay in dadka la qaqabtay lagu wado baadhis iyada oo xaaladooda ay gacanta ku hayaan ciidanka amaanku.

F.G:Xuqquda warka waxaa iska leh soamlistate.com(SSC) oo soo diyaarisay. warbxinta ama qayb kamid ah mel kale laguma soo qori karo iyada oo aan la xusin isha warka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin