Go to ...

Soomalipost News

Ogadentoday Press- Ogaden News, Ethiopia and Somalia on YouTubeRSS Feed

Madaxda Soomaaliya oo Itoobiya iskugu tagay?


Facebook0
Facebook
SHARE
YouTube
YouTube


(Soomaalipost)- Madaxda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhamaan iskugu tagay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya. Hogaamiyayaasha Maamul Gobaleedyadda Jubbaland Iyo Puntland sidoo Iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh ayaa ku suggan Addis Ababa.

Maxay tahay u jeedada Safarkan?

Warar is khilaafsan ayaa soo gaadhaya Warbaahinta Soomaali Post kuwaas oo sheegaya in Dowlada Itoobiya ay rabto in markalle Xassan Sheekh Maxamuud ku soo laabto Xukunka Soomaaliya sidaas daraadeedna uu u  baahan yahay Codka buuxa ee Labbada Maamul waa Jubbaland Iyo Puntland. Madaamo Siyaaada Labbada Maamul Itoobiya ku xidhan yihiin waxaa la doonaya in Isbahaysi Cusub lagu soo sameeyo Itoobiya.

Qoddob kalle ayaa sheegaya in Heshiiskii Garoowe ee Dowlada Federaalka ah Iyo Maamulka Puntland uu qarka u saaran yahay innuu bur buro sidaas darteedna Dowlada Itoobiya wada hadal siinayno Madaxda Puntland Iyo DF meesha Jubbaland ay ka noqonayso dhex dhexaad heshiiskaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isagu dhanka kalle aadi doono maanta Magaalada Jigjiga sida laga soo xigtay Madaxda Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya (Gobalka Ogaden).

Waa Markuu u horreysay ee uu Axmed Madoobe booqon doona Magaalada Jigjiga waxaana si weyn loo filayaa in Dhulkaas oo ay deggan yihiin Dadkiisa Soomaaliyeed waliba ehelkiisa in si weyn looga soo dhaweeyo isagoo Taageero xooggan ku leh Deegaanka.

SoomaaliPost

Tags: , , , , , , , ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More Stories From Somali

avatar

About admin