· Guests Online: 24
· Members Online: 0
· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri
|
|
|
Siduu u Dhacay Qaraxii Xeradda IFO?+ Liiska Dadka Ku Dhaawacmay. |
|
 Siduu u Dhacay Qaraxii Xeradda IFO?+ Liiska Dadka Ku Dhaawacmay.
June 16 2012.
(Ogadentoday Press)- waxaa ka dhacay Qarax Xerada qaxootiga ee IFO duhurnimadii shalay, Qaraxan ayaa ahaa mid xoog badan oo lala eegtay baabuur yar oo kuwa raaxada ah,baabuurka waxaa saaraa haweenaydii iska lahayd iyo sadex nin oo kale oo midi yahay Darawalkii Gaadhiga.
Qaraxaas oo xoog badnaa ayaa waxaa cardaadiqaha noqday baabuurkii halka ay dhaawacyo culus soo gaadheen dhamaan afartii qof ee saarayd oo midi ahayd haweenaydii baabuurka iska lahayd.
Isniino oo ahayd Haweenayda Baabuurka iska leh ayaa ahayd Gudoomiyaha Xerada Qaxootiga ee IFO waxaana soo gaadhay dhaawac,miinada babauurka la kacday oo ahayd kuwa dhulka lagu aaso ayaa lagu hor aasay gurigeeda hortiisa waxaana halkaas miinada ku dardaray baabuurkii oo dhaqaaq is yidhi.
Afarta qof ee dhaawacantay ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay :
1-Isniino -Gudoomiyaha xerada qaxootiga ee IFO
2-Cabdirashiid
3-Saxardiid
4- Iyo Darawalkii oo aanaan magaciisa helin.
Dhaawacyada afartaa qof oo markii hore loo malaynayay inay sahlan yihiin lana geeyey isbitaalka guud ee IFO ayaa markii dambe Diyaarad lagaga qaaday Xerada loona dhaadhiciyey Magaalada Garissa si loola Daweeyo waxaana la filayaa in hadii uu dhawacoodu sii cuslaado loosoo gudbin doono Magaalada Nairobi
Ma aha markii ugu horeysay ee Xeradan iyo kuwa kale ee ku yaala Degmada Dhadhaab ay ka dhacaan Qaraxyo Khasaare nafeed iyo maalba gaysta balse kii maanta wuxuu ahaa mid aad u xoog badan oo lala eegtay dadkaas rayidka ah halka kuwii hore la bartilmaameedsan jiray ciidamada iyo Xeryaha Kenya.
Ogadentoday Press
IFO
Kenya.
|
|
#1 |
on June 16 2012 06:33:02
#2 |
on June 20 2012 20:07:51
#3 |
on June 26 2012 02:33:03
#4 |
on December 27 2012 22:38:10
#5 |
on January 31 2013 08:14:12
#6 |
on January 31 2013 16:14:08
#7 |
on March 04 2013 13:45:50
#8 |
on March 06 2013 07:02:46
| |