June 19 2013 11:36:48
Users Online
· Guests Online: 47

· Members Online: 0

· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri

BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00

Yaa Mas’uul ka ah Dulmiga Siyaasadeed ee Lagu Hayo Beelaha Wayteen, Baalcad & Galimays.
SomaliYaa Mas’uul ka ah Dulmiga Siyaasadeed ee Lagu Hayo Beelaha Wayteen, Baalcad & Galimays.

Xasuusnow Akhristow Maqaalkan wuxuu gaar u yahay Qoraaga ku saxiixan Dr Maxamed Cabaas kama Turjumayo Arragtidda Warbaahinta Ogadentoday oon dhex gallin arrimaha Siyaasad Beeleedyadda Iyo Sadbursiga Siyaasadeed ee dhex Aroosan Soomaalidda.

(Ogadentoday Press)-Awood qeybsiga siyaasada Soomaaliya waxa uu waqtigan ku salaysan yahay nidaamka beelaha, taas oo macnaheedu yahay in beel kasta ay qeybteeda ka hesho qaab dhismeedka guud ee dowlada Soomaaliya ka kooban tahay. Tirada cusub ee xubnaha golaha wakiilada ee Soomaaliya waa 275, Beesha Absame iyo adeerkood Galimays waxay heleen 12 xubnood oo loo qeybsaday sidan:

1.Beesha Ogaadeen = 10 xubnood (Cawlyahan = 3, Maxamed Subeer = 3, Maqaabul = 2, Tolmoge = 1, Bahgari = 1).

2. Beesha Jidwaaq = 2 xubnood (Abaskuul = 1, Bartire = 1).
3. Beesha Wayteen = 0
4. Beesha Baalcad = 0
5. Galimays = 0

Haddaba yaa mas’uul ka ah dulmiga siyaasadeed ee lagu hayo beelaha Wayteen, Baalcad iyo Galimays?

Si loo helo jawaab sax ah, waxaa loo baahan yahay in la soo ururiyo xog fara badan, balse haddii aynu ka jawaabno dulmiga siyaasadeed ee bishan Luulyo 2012 ka dhacay Muqdisho ee lagula kacay beelaha Wayteen, Baalcad iyo Galimays, waxaa mas’uuliyadaas iska leh Ugaasyada iyo Salaadiinta beesha Ogaadeen oo iyagu isku raacay in kuraasta loo qeybsado qaabkaas cadaalada ka fog ee kor ku xusan.
Yaan La Isku Qaldin Xeer Hoosaadka Xagga Dhiiga & Awood Qeybsiga Siyaasada:

Dad badan ayaan weydiiyey maxaa sabab u ah in beelaha Wayteen, Baalcad iy Galimays ay waayeen xubnihii u gali lahaa golaha wakiilada ee Soomaaliya? Dhammaan jawaabihii aan helay waxay ku soo urureen hal qodob oo ah in qaar ka mid ah Salaadiinta beesha Ogaadeen isku qanciyeen in ay iyagu mas’uul ka yihiin beelaha beelaha Wayteen, Baalcad & Galimays maadaama uu ka dhexeeyo xeer hoosaad, xagga dhiigana (magta) ay wadaagaan, sidaas darteedna sadkii xagga siyaasada ee ay lahaayeen beelahasi ay iyaga u matalaan!.

Haddii arinku sidaas yahay, aniga waxay ila tahay in arintaasi tahay cadaalad darro, isla markaasna aysan haboonayn in la isku qaldo xeer hoosaadka xagga dhiiga ah iyo kan awood qeybsiga siyaasadeed.
Maxaa Looga Aamusan Yahay Dulmiga Siyaasadeed ee Lagu Hayo Beelaha Wayteen, Baalcad iyo Galimays?

Haddii Ugaasyadii iyo Salaadiintii beesha Ogaadeen ay go’aansadeen in qaabkaas cadaalad darrada ah wax u qeybiyaan, waxaa is weydiin mudan: maxaa ku dhacay aqoonyahanadii, culima’uddiinkii,

siyaasiyiintii, odayaashii iyo waxgaradkii kale ee beesha Ogaadeen? Maxay uga hadli waayeen dulmigan siyaasadeed? Waxa sharaf ah in waxgaradka beesha Ogaadeen ay soo saaraan baaqyo canbaarayn ah, isla markaasna ay soo bandhigaan qaabkii loo joojin lahaa dulmigaas siyaasadeed, haddii kale ceebtu cid walba way gaadhi oo Ugaasyada iyo Salaadiinta oo kaliya kuma koobnaan doonto.

Ugaasyada & Salaadiinta Absame oo Hawshoodii Ka Soo Bixi Waayey:

Aniga ra’yi ahaan waxay ila tahay in qaladka ugu weyni yimid ka dib markii Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame ogolaadeen in ay golaha wakiilada ee Soomaaliya ka helaan 12 xubnood oo kaliya iyaga oo matalaya dadweyne degan gobolada Jubbada Hoose, Jubbad Dhexe, Gedo iyo Bakool!.

Maxaa Xal Ah?

1. Waa in Ugaasyada beesha Ogaadeen ay keenaan xaqqii xagga siyaasada ee ay lahaayeen beelaha Wayteen, Baalcad iyo Galimays maadaama iyagu ay qaadeen ma’uuliyada beesha Absame.

2. Si xal loogu helo dulmigan siyaasadeed, waxaa haboon oo kale in Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame diidaan 12 xubnood ee loo qoondooyey, isla markaasna ay codsadaan in ay helaan xubno intaas ka badan oo u qalanta beesha ay matalayaan oo aad u balaadhan, degtana 4 gobol oo ka tirsan Soomaaliya. Waa in dib loo saxo qaladkii beesha Absame lagula kacay shirkii Carta, markaas oo loo qoondeeyey in ay helaan 12 xubnood oo kaliya, ilaa iyo maantana waa lala daba socdaa dulmigaas.

Waa in la saxo dulmigaas dhacay 12 sano ka hor. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Raad Habeen Lumay, Maalin Loo Noqoy”.


Dr. Maxamed Cabaas
Kismaayo91@hotmail.com

Comments
#1 | jamac on August 01 2012 09:46:24
asc sxb Dr. cabaas waxaan ku xasuusinaaya in weyteen, galimees, baalcad absame aysan daganeyn waamo oo dhan. oo xitaa waxaan ka xumahay in abasguul la siiyo kursi waayo ma aha dad deegan ku leh waamo, xadaad leedahay absame ahaan, absame dhib baad ku haysaan ee dheef idinkama helo,
ha kugu taagnaato
#2 | QOQAANI on August 01 2012 09:53:39
absame waa laqayaanay waxaa lagu qayaanay wax la dhaho kablalax isku dagaan manihin nimankan harti absame waxay ahayd in la siiyo 16 kursi dhibka oo dhan waa magaca kablalax arinta waa sidaa, odayaasha absame ayaa ka musuulah oo ogolaaday in la qayaano,
#3 | maxamed ali on August 01 2012 09:55:07
a.c wxaan sa;alamahayaa ogaden today kadib diktoorka maqaalka qoray ayaan salaamahayaa ,diktor aad ayaad u nahadsantahay waxaanse leeyahay nimaan hadlin habartiis hilmaantay away iyagu aqoonyahanadoodii may soo baxaan qoladan ay xidhiidh hoosaadka leeyihiin may la xisabtamaan misi markii hore ayaa balan lalagalay inaysan hunguriyayn arimahaas.anigu waxaan leeyahay ha noqdaan dad gaar u tagan markaas ayaad xaqaada heli kartaa.mida kale khayr alahaa ku siiyee umadaan wa umad mar hore lagafaraxashay loona tashaday jagooyinka dawladu ay siisay ayaaba dib looga gataaee yaad u dhawaaqiharti dhulkiisa iyo dhulka absame isbarbar dhig yaa wayn u fiirso meeqo ayay harti qaateen mareexaan hartigi kale ,cadaalad xumidu kor ayay ka soo bilaabatay ee odayashaan lagadanaayo meesha dhaafiyakadibna aan aragno absame dad ah kenya ayaga aya kataliya itoobiya sidoo kale markasay jubooyinka maamulilaayihiin booskooda hadii uu harti joogi lahaa kawaran.
#4 | yare on August 01 2012 10:23:23
Dr cabaas waan ku raacsanahay arinkaa waana cadaalad daro waxaan idin xusuusinayaa inaan deegaan wax laguqaybsan ee qabiil wax lagu qaybsaday qabiil hadii wax laguqaybiyana waa in cidkasta hesho saamigeeda waxaan dhihilahaa tani dhacdayee yaana tukale dhicin
#5 | C.xamiid on August 01 2012 11:29:16
Asc. Salan kadib ani waxan lehay hadii la helo dad aqoon leh oo ka dhashay belahan la dulmiyay oo u doda xuquqdoda inay helayaan lakin waxa la yaableh inaaban la haynin wax belahaa u dhashay oo u dodaya xuquuqdoda marka cid hadi la arko murmeysa o ka dhidhinaysa arinta way helayaan lakin ninkii sexday ayuu sicisii dibi dhalay ha lahelo dad hadlaya kadib markasaa laga hadli arintan
#6 | samsam on August 01 2012 12:53:45
asc wr wb waa waa ina gumeed nimo xun walee war sow tolken ma aha xata haday na da ganeen cajiib ogadenka reer wamo waba dad hunguri xun ma ba xishoo nayaan ee tanla leh xaq ma aha 12 ban ilen helan wayo waa ladhacay b

eel ka mid ah beelaha harti baa qatay intaa in le eeg yaab kablalax ayaa lagu xoogay iyaguna walalahuud ayeey u

xoog wayn yihiin ceebey tacaal
#7 | Gurmad on August 01 2012 13:02:39
Rk, waxaa layidhi raad habeen lumay maalin loo noqoy, waxaan kawadaa xadhigii lumay 12sano kahor sida loo heli ayaaba aanan garanahaynine, haddiise Rag raadiya loo heelo waxaa laga yaabaa in wax uun laga helo. Yacni Aqoonyahan Cilmi iyo Waayo aragnimo leh oo u xayta Beelaha Absame iyo Jubbooyinka in wax uun lasoo dhicin lahaa 12ka hor la kala qaaday ayay aniga ila tahay, iimase muuqdaan raggaasi.
#8 | Xiin Finiin on August 01 2012 13:24:19
Ku: Jaamac.
waryaa jooji cayda iyo aflagaadada. Yaa ku yidhi Weyteen, Baalcad iyo Galimays ma degaan Jubbooyinka?!!!!!!! Haddaba ma waxaa Jubbooyinka dega Axmed Madoobe iyo Xassan Turki oo labaduba ka yimid Qabri-Dahare?!!!!!!!
Tan kale, waryaa afkaaga ka leexi Diktoorka, ogowna Diktoorku ma aha Weyteen, ma aha Baalcad, ma aha Galimays, ee waa Nin Abraahiin ah, ee yaysan rasaastii kululayd ee Abraahiin ku dhabarka kaaga dhicin.
#9 | abdurezak on August 01 2012 13:41:41
salam drka iyo dhaman inta qalbga salam kadib ah leh arintan waxa sameyay suu drku sheegay odoyasha ogaden waliba cabdi sonkor ayaa ka masuul ah sxb dooda ah in wyateen xaqoda helana muqdisho wya ka socotay mudo lkn ugaas yada ogaden ayaa wax walba diiday xaq darada cid walba way aragtaa t kale ninkan jaamac wata sxb jubooyinka waa dagaa wayteen iyo baalcad iyo galimaysba ee tirada ayad ku qariseen saad isledihin ma dagana ta kale hadii xaqii ogaden laha ay majerten dhacen idinku ma waxad dhacaysan kuwa tolka idin la ah wa ayaab walee xaq daraa jirto lkn waxan dhihi lahaa yaan lagu qaraaban magaca absame ha la iska daayo oo qof kasta kiisa ha ku tago si cadaalad loo helo lkn inti la dhaho absame hadana in oagaden jeebka wixiba ku shubto waa arin aad u yaab badan DR mohamed cabaad waa caaqil hadii absame ku jiri lahayd 10 isago kale ahna midnimo ayu absame gaari lahaa dhibka absame dagana wuxu noqon laha dhul faaido leh kkkkk sida jubooyinka faido la anta ah ee ay dhacen amrexan iyo harti iyo umado an la garanaynin kolba qolo sheeganayso ALOW daa drka absame ana ku badi kuwo isaga oo kale ah
#10 | wadani on August 01 2012 13:42:18
asc walaalayaal dhamaantiin waan idin salaamay.hadii aan ka hadlo ama fikradayda ka dhiibto arinta maqaalkan lagu soo qaaday anigu waxaan aaminsanahay nidaam ka fog qabaliga iyo qabyaalada midaasoon aragno maanta meeshay somaliya dhigtay dadbadan ama qabiilo fara badan ayaa ku dulman qaabka 4.5ka marka walaalhaanga lagu dulmiyay ha iska sabraan waxaan rajaynaynaa in laga baxo cadaalad daradan mardhaw sidoo kale waxaan idinka codsanaya inaan arintan labuun buunin lagu beerin walaalahaano cuqdad
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
Name:

Message:

1 + 5 =
Validation Code:


Enter Validation Code:



mustafe
11/06/2013 03:19
soomaaliyeey isku kacaay oo isku seexda

abdi baasuuke
08/06/2013 17:14
it seems that Somalia is heading back to 1991 the bloody civil war I think people have mistaken of electing xasan culusow gurguurte a man who always smiles with or with out a reason but behind the smi

godey gacalo
08/06/2013 05:58
There are a lot of GOOD people in this world who are trying to clean things up. But unfortunately, there are still some who would prefer to just keep ROLLING IN THE DIRT

Kismaayo
04/06/2013 09:40
War deg deg Ah - bare HIIRAALE. oo u geeriyoodey. dhaawac bam oo caawa lagu turey gurigiisa

samira
02/06/2013 07:40
kkkkkkkkk runti waxan moda madaxwaynaha in qabil lo doortay maxa yelay bulshadina madax ayu isku galiyey wax xal dadwanaha ugu jirana kam talinayo tankale intu kismayo so firinayo bal muqdisho ha xore

Goora Qubi
26/05/2013 10:01
Fikir ahaan waxaa baryahan soo badanaya hadal haynta aan anigu karhay oon jeclahay bataatanba in lajoojiyo waxaan ogsoonahay in ay dhamaatay sheekadii al itixaad taasoo dad badan ilaa hada hadal haya

Goora Qubi
26/05/2013 09:57
Fikir ahaan waxaa baryahan soo badanaya hadal haynta aan anigu karhay oon jeclahay bataatanba in lajoojiyo waxaan ogsoonahay in ay dhamaatay sheekadii al itixaad taasoo dad badan ilaa hada hadal ha

12/05/2013 17:26
dhibaatoyinka laga dhexlay dagaalkii somaliya waxa ka mid ah dadka oo shahaadoyin been abuur ah oo copy ah sameystey oo sheganaya xirfad uusan gaarin xagga aqoonta una dhaqan gashayba waxaa tusaale no

dede
06/05/2013 11:53
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

ishwaq
03/05/2013 14:38
daka alaa umaqan alaha ugargaro

qalbi
29/04/2013 14:39
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

28/04/2013 17:13
waxaan idinku hambalyeynayaa sida habsamida leh ee akhbaaraad caalamka iyo midda aniga aan aad u daneeynayo ee ogaden aad noogu soo tabisaan well done guys

onlf will Go to ICC
28/04/2013 16:51
Ogaden Land is the land situates Southeast of Ethiopia , no matter what western people believe that there are strategic aims which they are seeking to invade our territory. Ethiopia is our land and

cartedsiudnw
28/04/2013 15:52
Il a ete reanime par le cuisinier du college, Le president cubain Raul Castro a ete reelu dimanche a la presidence du Conseil dEtat, La famille du champion handisport explique que le compte twitter

mens gucci shoes
19/04/2013 20:50
This is a very good article, well written, everyone wants to write a good article, to write a good article for others is a progress test, write some articles on their own and other people is a goo

Render time: 0.74 seconds 7,294,873 unique visits