September 17 2014 00:30:45
Users Online
· Guests Online: 16

· Members Online: 0

· Total Members: 108
· Newest Member: Abdi shukri
Latest Articles
· Dadka tayada leh tal...
· United States: The P...
BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00


Xog- ONLF oo isbaddallo muhiim ah samaysay!
SomaliXog- ONLF oo isbaddallo muhiim ah samaysay!

27 Agoosto 2013

(Ogadentoday Press)- Shirkii Jabhadda ONLF ayaa lagu sameeyay isbaddallo muhiim ah, sida Ogadentoday Press ku heshay xog dhab ah.

Tiradda Golaha dhexe ee ONLF oo horrey u ahaa 51 ayaa hadda laga dhigay 61 xubnood.

Tirada Golaha dhexe ee Ururka ONLF ayaa lagu saleeyay, firforcoonidda xubnaha Kaadirka iyo hawl qabad,, sidoo kalle waxaa la sameeyay tirro dhan 10 qof oo ah sugayaal Golaha Dhexe ah.

Midan waxay dhigan tahay in mustaqbal Tiradda Golaha dhexe noqon doonto 71.

Waxaa warbaahinta Ogadentoday Press u suura galay inay hesho qaar ka mid ah Magacyadda Golaha dhexe lagu darray balse sababa jira dartood waan ka gaabsanay inaan shaacino.

Masuuliyiinta Jabhadda ONLF qaarkood ayaa xilal dheeri ah loo magacaabay meesha qaar kalle xilalkii horrey u hayeen laga wareejiyay.

Golaha Dhexe ee ONLF wuxuu yeeshay xog-hayn, waxaana loo magacaabay Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin Dhiirane, oo horay u ahaa madaxa Hogaankii Arrimaha Bulshadda Iyo Abaabulka ONLF, meesha ku Xigeen looga Dhigay Muddane Xasan Sheekeeye.

Dhiirane ayaa isaggu si iskii ah horrey u sii sheegay inuu Booska Hogaanka Abaabulka laga wareejiyo maadaano shaqo addag tahay isla markaas arrimaha Jaaliyadda oo ah kuwa adag ay hoos imanayeen, waxaa isna la raaciyay.

Yurub waxaa Golaha Dhexe ka soo galay rag la filayay inay booska soo galaan marka laga reebo hal muddane oo aan isaggu xisaabta ku jirin nasiib wanaag fudh ka soo dhex yidhi Dalalka Scandinaviaka.

Xubnaha Golaha Dhexe lagu darray qaarkood ayaaba laga yaaban yahay meelaha joogeen!

2 ka mid ahaa Golahii Dhexe ee ONLF ayaa iyaggu si iskood ah dalbaday in 2 qof kalle lagu badallo, waxayna noqdeen kal-kaaliyaal Hogaamo.

Hay,adda Warfaafinta Jabhadda ONLF ayaa iyanna isbaddal lagu sameeyay walise waxaa ah Hogaanka Warfaafinta Muddane Xuseen Nuur balse waxaa la badalay 2 ku xigeen ee Warfaafinta, illaa hadda ma jirto cid loo magacaabay xilalkaas bannaan.

ONLF ayaa hoosta ka xariiqday inay tab cusub oo Warbaahin ah la soo bixi doonta Iyaddo diirada saaraysa qalab casri ah oo dhanka warbaahinta ah oo la hirgaliyo!

Hay,addaha Qaxootiga Iyo Arrimaha Waxbarashada ayaa la sameeyay, sidoo kalle waxaa la samaynayaa Gudiga Cilmi-baadhista Ururka ah.

Qaar la filayay in Golaha dhexe lagu darro ayaan lagu darin qaarkood waxaa loo sameeyay ballan qaad meesha qaar kalle xaalkoodu yahay Allow sahal!

Inkasta oo rag ku haboonaa in lagu daro golaha dhexe ay jiraan hadana masuuragalin in hal mar qof walaba dadaalkisa lagu qiimeeyo oo waxuu mudnaa loo dhamaystiro.

Inta baddan isbaddalkan ONLF ayaa taageerayaasha si weyn u soo dhaweeyeen wallow qaar yar ay dhaliilayaan doonayeena isbaddal midkan ka weyn, waxayna u arkaan in muhiimada laga raaco danta guud ee Halganka.

ONLF marka ay isbaddal samaynaysay way xaqiiqsanayd in qaar wax taban doonaan sababtoo ah dhaqanka Soomaalidda ayaaba saas ah in qaar wax tabtaan isla markaasna aysan ku qancin wax walba la sameeyo!

Ogadentoday Press waxay u aragtaa isbaddalkan inuu yahay mid wax ku ool ah uu horseedi karra natiijo wanaagsan mustaqbalka!





Ogadentoday Press.
Comments
#1 | B C on August 28 2013 06:35:09
Runtii ONLF waxay muujisay bisayl iyo urur leh nidaam iyo kala dambayn. Guul iyo gobanimo
#2 | Kabiye on August 28 2013 06:46:33
Waa Arin fiican waan soo dhawaynaynaa
Uma malaynayo in uu qofna u dudayo xil laga qabto ONLF
Waayo dhib moooyee Dheef mayaallo,meesha,
Hadaad aragto odhanaya wax halaga badalo, jabhadda, oo aan ahayn ragga howsha wada ee xabbada ridaya, waayo way og yihiin iyagu Waxa khaldama,iyagaana u xaqle in la dhagaysto,

Ninkaasi waa lama mid uun Inuu yahay cadaw doonaya Inuu ummadda khalkhal iyo was waas galiyo, kala jabiyo,
Iyo nin aqoon la aan iyo jahli iyo waayo aragtinimo la aani hayso,
Aragti dheerna aan lahayn waayo yaa wax badali kara ma ninka jigjiga xabashida canjeerada kula cunaya hadalkiisa ayaa wax lagu badali, mise ninka Europe iyo america shiishadda nuugaya koob shaaha oo qaadhaan ahna aan bixinin, afka uun kaga hadhay ma isbadal la sameeyo,
ONLF masuuliyiin iyo madax bay leedahay waanu ku qanacsanahay waxay iyagu maslaxo u arkaan, waa madaxdayadii, waanu jecelahay,
I love you guys,
Admiral maxed cumar
Pr,maxed ismaciil
Dr A/raxman Mahdi
CQ, cadaani hiirmooge,
Sh,yaasiin diirane
Pr, maxed Nuur cabbaas

Sh deeq
A/karim
Sulub,
Sanwayne,
Iyo dhammaan inta kale ee magacooda sheegin,
I deeply love you again!!!.
#3 | dalka jecel on August 28 2013 07:05:33
ma jeclayn inaan maanta ku arko warbaahintii rasmiga ahayd ee jabhada in khilaaf uu jiro kaas oo ku saabsan xil isku qab-qabsi waxaa kale oo fiicanayd in magacyada g/dhexe lasoo daabaco halka aad ka dhadeen sababo jira awgood baan u qarinay,arintaas cadawgu wuxuu u fahmi karaa inuu jiro khilaaf baahsan waxaa kale oo fiican inaad soo tabisaan cidda xilalka sare ee masuuliyiintii laga qaaday lagu badalay. wax badan oo shacabka laga qarin baa ii muuqda. raga aan la filayn ee maasha gaaban kaga soo fudh yidhi xubinimada ee waliba meel ay joogeenba aan la garanayn maxay ahaayeen? wallee warkan wax badan buu xambaarsanyahay waa ninkii fahmaya.
#4 | axmed on August 28 2013 07:08:44
dalka jecel yaa ku dhahay OTP waa warbaahinta jabhadda, warbaahinta jabahadda waa ONA, ogadentoday shaqsi leh waana warbaahin madax-banaan walaal, mida kalle, warkan wax ku jiraa malahan dhib ah guul weeyeena
#5 | Cabdullaahi on August 28 2013 07:10:52
GUUUUUUUUUUUUUUL ONLF ISKU DUUBNI, MIDNIMO, ISKU TASHI ALLAHU AKBAR
#6 | C/laahi gaashaan on August 28 2013 08:45:44
Waa guul iyo harmar lakiin waxaa muhiim ah in xubnaha cusub la shaaciyo si aan cidwaliba usheegan hadhaw markay cadawga utagto sidii hadda kahorba dhacday kuwo aan xataa ururka kujirin ay xilal sheegteen waad mahadsantihiin otp iyo akhristayaasha
#7 | Maqaaabul Boy on August 28 2013 09:26:35
Guddiga Fulinta waa 1 nin oo reer Isaaqa iyo 7 ah reer Cabdille. Dadkani ma xishoodaan miyaa?!!!!!!!! War waxani Jabhad ma aha ee waxaad ula baxdaan "Ururka Maxamed Subeer"
#8 | xarjaaw on August 28 2013 10:20:00
soomalida waxay ku maah mahdaa war jiraa cakaaruu Iman isbadalku micna ma sameeyo mana aha inan doo nayno dadka qaar in labadalo dadka qaara lakeeno meesha hawshaana waxay u talaa dad arinta gacanta ku haya lakin anagu hadaan sha cabka reer ogaadenya nahay 20 sano oo tagtagtay onlf wanaag iyo xumaan waxa ay kentay waan ka dharagsanahay oo cidna no sharax ma dhaheyno waayo anagabaab goobjoog u ahayn
waxaan hada sugna waa istaratijiyada cusub e 20 ka sano ee soo socda ay rabto inay shacabka ku hogaamiso
#9 | ogadenia ha xorowdo on August 28 2013 10:28:04
asc wan soo dhawyanaynaa waxkasta oo diyaar u ah ladagaalanka gumaysiga madow xubnahana wan uhambalyaynayaa walal yakaraaca muhiimka waxkasta oo lagaadho ha isku mashqulina adinku waxaa tihiin dad ladagalamaya cadow xun qabiil iska dhaaf qabyalad iska dhaaf w walalayaa waa ta Somali halkaa dhigtay qabiil iyo qudhun markasta door bida sharafta iyo wanaaga guul gobanimo iyo isku tashi all ogadeniyay shaydhaanka iska ilaliya wuuna idinka faa idin ok bye
#10 | XARARO XERTAJWXO on August 28 2013 10:51:48
MANSHA ALAH WAGUL WANGARABTAGANAHAY NAF IYO MALBA ONLF GO ANKEDA
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
You must login to post a message.

14/01/2014 06:33
waxaan halgan hubaysan ahyn iyo qalin wada socda xornimo ha ku filan

ancik
08/01/2014 22:32

jarak
08/01/2014 22:30

ChomeGewjew
08/01/2014 13:33
<a href=http://www.im
mef.com>Mulberry On Sale</a> xtydqado fzrqqjyp <a href=http://www.sk
dprod.com>Mulberry Bags Outlet</a> fflkyfkt qnxvwwyt <a href=http://www.hk
-iscap.net

axmed
29/12/2013 14:51
we need peace, not war. stop advocating war.

LAAGTA RUQAAYI
25/12/2013 12:52
waad kumahadsantihiin hawsha aad noo wadaan ogadentoday

Khadar cabdi risaq farah
22/12/2013 06:04
Ogadenia wayxorobi dontaa insha.alah

Khadar j.w.x.o
22/12/2013 06:01
J.w.x.o hanoolatu jooooooooooo!!!

Khadar ogadenia
22/12/2013 05:59
Ethnpia waa in an iska rebna oon iskacelina

Buubaal
19/12/2013 17:34
Waa inaan ka tashanaa labada cadow Ethiopia iyo qabaailaadka somaalida sida aanu yeeli laheen

Buubaal
19/12/2013 17:15
Waa arin u baahan inaan ka doodno

khalid
11/12/2013 02:45
dhalinyarad ogaden way dhiban yihiin wllahi

fixri
08/12/2013 17:11
hay

Osman
05/12/2013 06:12
Haa

QuentyHeent
05/12/2013 00:26
Companions can definitely relish the flavour of ambiance, by employing the prime aphrodisiac as the most delicious way to declare 'I adore you.' Lovely sentiments translate well even though in

Render time: 1.06 seconds 15,171,120 unique visits