Qorshaha Maamulka Obama ee Kaga aadan Itoobiya
Posted by mohamed on August 31 2009 05:45:02
Maamulka Obama ayaa isaga Aaminsan ka Dowlad Maraykan ahaan In Itoobiya tahay Saaxiib Wanaagsan oo Maraykanku leeyahay balse Awooda Saaxibtino ee Maraykanka Darteed ay wax walba oo ay doonto u samaynayso taasina ay tahay mid u baahan in wax laga badalo.
Extended News
Maamulka Obama ayaa isaga Aaminsan ka Dowlad Maraykan ahaan In Itoobiya tahay Saaxiib Wanaagsan oo Maraykanku leeyahay balse Awooda Saaxibtino ee Maraykanka Darteed ay wax walba oo ay doonto u samaynayso taasina ay tahay mid u baahan in wax laga badalo.

Maamulka Obama wuxuu safar u soo Direy Xog Hayaha Umuuraha Dibada ee Dowlada Maraykanka oo safar Booqasho ah ku tagtay 7 Dal oo Afrikan ah sidoo kale waxaa ka soo Horeeyay Kalkaaliyaha Xoghayaha Umuuraha Dibada oo isagu la Kulmay Melez Zenawi.

Xukumada Melez waxay u fasiratay in Safarkii oogu horeeyay ee Maraykana ku yimid Itoobiya uu noqday mid lagu qanci waayay, Xisbiga Talada Dalka hayaa ee Itoobiyana uu sheegay in Mahiim aysan ahayn in Hillary Clinton ay Timaado Addiss Ababa meesha qaar badan aad ooga xumaadeen Imaansho la,aanteeda.

Maamulka Obama ayaa doonaya in Itoobiya lagu xiro Shuruud adag oo ah Dhanka Demoqraadiyada iyo Xuquuqda Aadamaha Midaas oo ay ku sheegeen in ay tahay Wadan ka been sheega labada Qodob oo aas aasi u ah Maamulka Obama.

Waxaa Isbuucii la soo Dhaafay laga soo Celiyay Safiirkii Itoobiya u Fadhiyay Maraykanka waxaana la sheegay in Lagu badalo mid Kale sidoo kale waxaa ka Horeeyay Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addiss Ababa oo isna la soo celiyay Dhamaan Talaabooyinkan waa mid la oran karo waa Calaamad muujinaya is badalka Maamulka Obama.

Hadaba aad ha ooga Filan Maamulka Obama in wax badan uu ka badalo Dalka Itoobiya balse isku day adu inaad wax ka badashid Dalka waayo waxaa Degan Dadkaaga waxaad ku leedahay awood Ciidan Mid Dhaqaale iyo Mid Siyaasadeed Taaso oo lagu gaari karo Xoriyad iyo Rabitaanka Ummada Soomaalida Ogaadeeniya.

Ogadentoday