Somaliya oo kaalinta koowaad ka gashay ammaan darrida Caalamka
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 13 2012 08:38:50
Muqdisho: (Sh. M. Network) Warbixin uu soo saaray Machad ka faallooda dhaqaalaha iyo Nabad galyada Caalamka oo laga leeyahay dalka Maraykanka, fadhigiisuna yahay dalka Australia ayaa lagu sheegay in Cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday in Soomaaliya sanadkii 3-aad oo isku xigga ay tahay dalka ugu amaanka xun ee Caalamka. Warbixinta ayaa xusaysa in Soomaaliya ay kaalinta ugu dambeysa ay ka gashay daraasaad lagu sameeyay ammaanka Caalamka, taasi oo lagu sameeyay 158-dowladood oo kaalinta ugu dambeyso ka tiigsatay Soomaaliya.
Extended News
Muqdisho: (Sh. M. Network) Warbixin uu soo saaray Machad ka faallooda dhaqaalaha iyo Nabad galyada Caalamka oo laga leeyahay dalka Maraykanka, fadhigiisuna yahay dalka Australia ayaa lagu sheegay in Cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday in Soomaaliya sanadkii 3-aad oo isku xigga ay tahay dalka ugu amaanka xun ee Caalamka.

Warbixinta ayaa xusaysa in Soomaaliya ay kaalinta ugu dambeysa ay ka gashay daraasaad lagu sameeyay ammaanka Caalamka, taasi oo lagu sameeyay 158-dowladood oo kaalinta ugu dambeyso ka tiigsatay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxa soo labeeya dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Sudan, Iraq, Congada-Dimuqraadiga, iyo Syria oo lumisay lambarkii nabad galyada oo ay Caalamka kaga jirtay Sanadkii hore ee ahaa Lambarka 41-aad, islamarkaana hadda ay gashay Lambarka 147-aad.

Machadka ayaa oo magaciisa loo soo gaabiyo GPI ayaa Sanadkiiba mar Daraasaad ku sameeya dalalka haysta Nabad galyada ugu fiican iyo kuwa ugu xun ee Caalamka.