Ciidamada Ethiopia oo mar kale xiray Diyaad Cabdi Kaliil, Gedo
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 16 2012 03:00:09
Luuq: (Ogadentoday Press) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in mar kale la xiray Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la tilmaamay in Sarkaalkaasi loo xiray amar diiddo uu sameeyay.
Extended News
Ciidamada Ethiopia oo mar kale xiray Diyaad Cabdi Kaliil, Gedo
June 16 2012.
Luuq: (Ogadentoday Press) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay Xabsiga dhigeen Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo saakay la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in mar kale la xiray Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhigga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la tilmaamay in Sarkaalkaasi loo xiray amar diiddo uu sameeyay.
Waxa la sheegay in Sarkaalka Ciidamada Ethiopia ay ku wargaliyeen in uu ku laabto degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo oo uu mar hore ka yimid, hase ahaatee markii uu ka dhaga adeegay haddana mar labaad Xabsiga ay u taxaabeen.
Saraakiisha dowladda KMG ah ee Gedo ayaa hadda ku waramaya inay socdaan waan waan lagu sii daanayo Diyaad Cabdi Kaliil, iyadoo aan aheyn markii ugu horeysay oo Sarkaalkaasi ay Xabsiga u taxaabaan Ciidamada Ethiopia.