Daawo Masar oo Dooranaysa Madaxwayne.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 16 2012 03:04:19





Sabti ( Ogadentoday Press)- Saaka Subaxnimadii ayaa Shacabka Dalka Masar u dareereen Sanduuqyadda codeynta Xilli Marxaladda Siyaasadeed oo adag uu ku Jiro Dalka Masar. Wareega Labaad ee Doorashadda Dalka Masar ayaa waxaa iskugu soo haray Hogaamiyaha Musharaxa u ah Xisbiga Akhwaan Muslimiin Maxamed Mursi Iyo Raysul Wasaarahii oogu Danbeeyay ee Xukumadii Mubaarak Jeneral Axmed Shafiiq. Maalmo kahor ayaa Maxkadamma Dastuurka ee Dalka Masar kala Dirtyay Barlamaanka Isla Markaasna ogolaansho buuxa loo siiyay Shafiiq inuu noqodo Musharax tartanka kulla Jira Maxamed Mursi.

Extended News
Masar oo Dooranaysa Madaxwayne.

June 16 2012.

Sabti ( Ogadentoday Press)- Saaka Subaxnimadii ayaa Shacabka Dalka Masar u dareereen Sanduuqyadda codeynta Xilli Marxaladda Siyaasadeed oo adag uu ku Jiro Dalka Masar.

Wareega Labaad ee Doorashadda Dalka Masar ayaa waxaa iskugu soo haray Hogaamiyaha Musharaxa u ah Xisbiga Akhwaan Muslimiin Maxamed Mursi Iyo Raysul Wasaarahii oogu Danbeeyay ee Xukumadii Mubaarak Jeneral Axmed Shafiiq.

Maalmo kahor ayaa Maxkadamma Dastuurka ee Dalka Masar kala Dirtyay Barlamaanka Isla Markaasna ogolaansho buuxa loo siiyay Shafiiq inuu noqodo Musharax tartanka kulla Jira Maxamed Mursi.

Siyaasadda Dalka Masar ayaa diiradda Saaran, Dhaqaalaha, Amniga, Shaqo,laanta Iyo Xiriirka Dalka Israel, Shacabka Masar ayaa 68% doonaya In loo jaro Xiriirka Dalka Israel.

Dhalinyaradda Dalka Masar oo ahaa udub-dhexaadkii ka danbeeyay Kacdoonka Dalka Masar ayaa aaminsan in Kacdoonkii uu khatar ku sugan yahay.




Ogadentoday Press.