Xubnaha Ka mid ah Congress Marayakanka oo Canbaareeeyay Itoobiya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 16 2012 03:13:20
(Ogadentoday Press)- Senator Leahy Iyo Xubno ka mid ah Aqalka Congress ee Maraykanka ayaa Madaxwaynaha Maraykanka Brack Obama u qoray qoraal ka hadlaya Xaaladda Xoriyadda Saxaafadda Itoobiya. Waxaan ka daawan doonaa 7000 oo Mile wax ka dhici doona Maxkamadda Itoobiya, oo la saari doono Xubno Suxufiyiin ah ayuu yiri, Senator Leehay. Isagoo qoraalka dheer aan soo qaadanayno Nuxurkiisa ayay kaga hadleen arrimaha Xiriirka Itoobiya Iyo Maraykanka inuu yahay mid adag isla markaasna arrimaha Argagaxisada Soomaaliya iyo arrimo baddan oo kale la iska kaashado.
Extended News
Congress Marayakanka oo Canbaareeeyay Itoobiya.
June 16 2012.
(Ogadentoday Press)- Senator Leahy Iyo Xubno ka mid ah Aqalka Congress ee Maraykanka ayaa Madaxwaynaha Maraykanka Brack Obama u qoray qoraal ka hadlaya Xaaladda Xoriyadda Saxaafadda Itoobiya.
Waxaan ka daawan doonaa 7000 oo Mile wax ka dhici doona Maxkamadda Itoobiya, oo la saari doono Xubno Suxufiyiin ah ayuu yiri, Senator Leehay.
Isagoo qoraalka dheer aan soo qaadanayno Nuxurkiisa ayay kaga hadleen arrimaha Xiriirka Itoobiya Iyo Maraykanka inuu yahay mid adag isla markaasna arrimaha Argagaxisada Soomaaliya iyo arrimo baddan oo kale la iska kaashado.
Hase ahaatee, waxaan loo dulqaadin Karin waxaa weeye, In Itoobiya oo deeqda oogu baddan la siiyo ay la dagaalanta Saxaafadda Midaas ku ah lid Demoqraadiyadda aan Qaaradda Afrika aan doonayno inay ka hana qaado.
Sidaad oo la socotaan, Eskinder Nega mahan oo kali ah Suxufiyiinta Xiran, waxaa ku jira Kuwo Baddan oo xiran, kadib Markii ka soo war baxiyeen cadaadiska Kaligii talisnimo ee Zenawi, ayaa Qoraalka Lagu daabacay.
Sababta oogu wayn ee loo xira Wariyahan ayaa ahaa in Kaga hadkay Magaaladda Addis Ababa Hall ku yaalla Kacdoonka Carabta, Ayuu Yuri Senator Leahy.
Itoobiya ayaa waxaa u xiran Suxufiyiin Baddan, Siyaasiyiin, Iyo Shaqisyaad u ol oleeya Arrimaha Xuquuqda aadamaha, Kuwaas dhamaan lagu kala xukumay 20 Sanno, Cimrigaa ku furey, meesha Qaar kalana Lagu Xukumay Dil Toogasho ah.
Ogaadeeniya ayaa ah Gobaladda Sida khaaska ah aan saxaafadda loogu ogolayn Iyadoo Tallaabo adag laga qaadi cid walba oo ka soo waranta Ogaadeeniya.
Ogadentoday Press.