Siduu u Dhacay Qaraxii Xeradda IFO?+ Liiska Dadka Ku Dhaawacmay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 16 2012 03:47:02
(Ogadentoday Press)- waxaa ka dhacay Qarax Xerada qaxootiga ee IFO duhurnimadii shalay, Qaraxan ayaa ahaa mid xoog badan oo lala eegtay baabuur yar oo kuwa raaxada ah,baabuurka waxaa saaraa haweenaydii iska lahayd iyo sadex nin oo kale oo midi yahay Darawalkii Gaadhiga.Qaraxaas oo xoog badnaa ayaa waxaa cardaadiqaha noqday baabuurkii halka ay dhaawacyo culus soo gaadheen dhamaan afartii qof ee saarayd oo midi ahayd haweenaydii baabuurka iska lahayd. Isniino oo ahayd Haweenayda Baabuurka iska leh ayaa Ahayd Gudoomiyaha Xerada Qaxootiga ee IFO waxaana soo gaadhay dhaawac,miinada babauurka la kacday oo ahayd kuwa dhulka lagu aaso ayaa lagu hor aasay gurigeeda hortiisa waxaana halkaas miinada ku dardaray baabuurkii oo dhaqaaq is yidhi.
Extended News
Siduu u Dhacay Qaraxii Xeradda IFO?+ Liiska Dadka Ku Dhaawacmay.

June 16 2012.

(Ogadentoday Press)- waxaa ka dhacay Qarax Xerada qaxootiga ee IFO duhurnimadii shalay, Qaraxan ayaa ahaa mid xoog badan oo lala eegtay baabuur yar oo kuwa raaxada ah,baabuurka waxaa saaraa haweenaydii iska lahayd iyo sadex nin oo kale oo midi yahay Darawalkii Gaadhiga.

Qaraxaas oo xoog badnaa ayaa waxaa cardaadiqaha noqday baabuurkii halka ay dhaawacyo culus soo gaadheen dhamaan afartii qof ee saarayd oo midi ahayd haweenaydii baabuurka iska lahayd.

Isniino oo ahayd Haweenayda Baabuurka iska leh ayaa ahayd Gudoomiyaha Xerada Qaxootiga ee IFO waxaana soo gaadhay dhaawac,miinada babauurka la kacday oo ahayd kuwa dhulka lagu aaso ayaa lagu hor aasay gurigeeda hortiisa waxaana halkaas miinada ku dardaray baabuurkii oo dhaqaaq is yidhi.

Afarta qof ee dhaawacantay ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay :

1-Isniino -Gudoomiyaha xerada qaxootiga ee IFO
2-Cabdirashiid
3-Saxardiid
4- Iyo Darawalkii oo aanaan magaciisa helin.

Dhaawacyada afartaa qof oo markii hore loo malaynayay inay sahlan yihiin lana geeyey isbitaalka guud ee IFO ayaa markii dambe Diyaarad lagaga qaaday Xerada loona dhaadhiciyey Magaalada Garissa si loola Daweeyo waxaana la filayaa in hadii uu dhawacoodu sii cuslaado loosoo gudbin doono Magaalada Nairobi

Ma aha markii ugu horeysay ee Xeradan iyo kuwa kale ee ku yaala Degmada Dhadhaab ay ka dhacaan Qaraxyo Khasaare nafeed iyo maalba gaysta balse kii maanta wuxuu ahaa mid aad u xoog badan oo lala eegtay dadkaas rayidka ah halka kuwii hore la bartilmaameedsan jiray ciidamada iyo Xeryaha Kenya.

Ogadentoday Press
IFO
Kenya.