Wasiir dowlaha Itoobiya ee Baxsaday oo Dacwado ka Dhan ah Ku wada Itoobiya
Posted by mohamed on August 29 2009 11:49:34
Wasiir Dowlahii Warfaafinta Itoobiya ee Horey u Baxsaday oo Dacwado ka dhan ah ku wada Xukumada Melez Zenawi sida ay shaacisay Idaacada ku Hadasha Codka Itoobiya oo xarun u ah Dalka Germany, Emaris ayaa sheegay in Melez uu isticmaalo Dictatoriyad Nooca u xun oo aan la oran karin Waa Hogaan Demoqraadi ah.
Extended News

Wasiir Dowlahan ayaa sheegay in Xukumada Melez ay Cadaadis badan ka gaystay Gobalada Oromoda, Soomalida iyo Qoomiyada Ganbellaha kadib lagu sameeyay Xasuuq aan lahayn Mudo Cayiman.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Doorshada Maamulka Melez aan laga Filaynin wax Cadaalada ah qofkii ka sugaana uu yahay qof Ridooday isagoo soo jeeda.

Wasiir Dowlahan ayaa Iska Dhiibay Dalka Maraykanka isagoo Markaas Gacan yaraha qaaska u ahaa Wasiirka u qabilsan Warfaafinta iyo Xariirka Xukumada Addiss Ababa Bereket Simom.

Ogadentoday
Germany