Jaalliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Africa Ayaa Ku Jirta Abaabul aad u Baladhan.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 17 2012 06:46:28
Axad- (Ogadentoday Press)- Wafti sare oo ka socda daladda guud ee Jaaliyada ogadeenya ee koonfur africa (JOKA) iyo gudiga faraca jaaliyada ee gobolka Gauteng ayaa maalmahanba ku sugan gobolka gauteng. Wufuudan ayaa shirar gooni gooni ah kula yeeshay magaalada rustenburg oo aan saas uga dheerayn caasimada dalkaasi ee Pretoria qaybaha kala duwan ee bulshada. Mar aanu maanta xidhiidh la samaynay waftigan ayaa waxay noo sheegeen in maalinta bari ah ay qaban doonaan shir aad u wayn oo loo qabanaayo dhamaan dadwaynaha soomaliyeed ee ku nool gobolka Gauteng.
Extended News
Jaalliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Koonfur Africa Ayaa Ku Jirta Abaabul aad u Baladhan..
Muuqaalka Sawirka: Waa Sawir hore oo Jaaliyadda Ogaadeeniya Koonfur Afrika. April 26 2012
June 17 2012.
Axad- (Ogadentoday Press)- Wafti sare oo ka socda daladda guud ee Jaaliyada ogadeenya ee koonfur africa (JOKA) iyo gudiga faraca jaaliyada ee gobolka Gauteng ayaa maalmahanba ku sugan gobolka gauteng. Wufuudan ayaa shirar gooni gooni ah kula yeeshay magaalada rustenburg oo aan saas uga dheerayn caasimada dalkaasi ee Pretoria qaybaha kala duwan ee bulshada. Mar aanu maanta xidhiidh la samaynay waftigan ayaa waxay noo sheegeen in maalinta bari ah ay qaban doonaan shir aad u wayn oo loo qabanaayo dhamaan dadwaynaha soomaliyeed ee ku nool gobolka Gauteng.
Shirka oo lagu wado in ay aad looga soo qaybgalo ayaa ka dhici doona magaalada rustenburg. Jaaliyada soomaalida ogaadeenya oo loo soo gaabiyo JOKA ayaa dadaalo aad u badan galisay sidii ay indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaayeen xasuuqa ay xukuumada dhiigyacabka ah ee TPLF ka wado Ogadeenya. Jaaliyada ayaa lagu xasuustaa mudaaharaado waawayn oo ay ka dhigtay dalkaasi & shirar is daba joog ah oo ay la qaadatay ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha & laamaha kala duwan ee dawlada K/A. sidoo kale jaaliyada ayaa ka furtay dalkaasi dacwad adag oo ay ku oogtay xubno ka tirsan dawalada cabsi galinta & dilka shacabka ku dhisan ee madaxda ka yahay dhiigyacab zenawi, jaaliyada u gudbisay maxkmada dalkaasi dawacadan xanbaarsan cadaymo xasuuq & gaboodfallo shacab oo ay ku kacday xukuumada zenawi.
Dhnaka kale jaaliyada ayaa bishii la soo dhaafay si xun ugu fadeexaysay zenawi dalkaasi kadib markii jaaliyada darteed uu uga soo qaybgali waayay shirar muhiim ah oo lagu qabtay dalkaasi, Xubnaha JOKA ayaan u kala hadhin sidii ay u canbaarayn lahaayeen uguna fashilin lahaayeen safarkii zenawi ee koonfur africa. Shirkan & abaabulkan wararka la xidhiidha kala soco wararka danbe.
Xigasho: ONA-Ogadennet.
Xarbi