Madaxweyne Shariif oo wax ka badalay qodobada Axdiga KMG
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 17 2012 06:49:58
Axad: (Ogadentoday Press Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheeh Axmed ayaa wax ka badalay qodobada Axdiga KMG ah, kaddib Digreeto kasoo baxday Maanta. Waa Markii oogu Horeysay ee Madaxwayne Shariif uu si rismi ah u sheego Inuu Qoddobadda Dastuurka wax ka baddalayo, Arrintan ayaa Dadka qaar baddaan diidi doonaan qaarna soo dhawayn doonaan.
Extended News
Madaxweyne Shariif oo wax ka badalay qodobada Axdiga KMG
June 17 2012
Axad: (Ogadentoday Press Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheeh Axmed ayaa wax ka badalay qodobada Axdiga KMG ah, kaddib Digreeto kasoo baxday Maanta.
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012 laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.
Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.
Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.
Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.
Qodobka 1aad
Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34 ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.
Qodobka 2aad
Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Qodobka 3aad
Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B” ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laalidoonaa qodobka 29aad ee axdiga KMG.
Qodobka 4aad
Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xigasho :Shabelle.