Shirkii Ururka Haweenka Ogaadeeniya ee Minnesota+ Sawiro.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 17 2012 11:16:03
Minnesota ( Ogadentoday Press)- Kullan Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Hooyooyinka Soomaalida Ogaadeeniya ayaa ka Dhacay Magaaladda Minnesota ee Dalka Maraykanka Maalinimadii Shalay.Kullankan ayaa looga hadlay Arrimaha Ogaadeeniya,Halganka, sare u qaadidada Kaalinta Haweenka Ogaadeeniya kaga aadan Dhulkooda Hooyo ee Ogaadeeniya.Kullankan oo si wanaagsan dood Iyo Haddalo looga soo Jeedidayay ayaa waxaa Khadka Telleefoonka Kulla hadlay Dadwaynaha Goobta Joogay Hogaanka Arrimaha Bulshadda Iyo Abaabulka ee Jabhadda ONLF Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Dhiirane.
Extended News
Shirkii Ururka Haweenka Ogaadeeniya ee Minnesota+ Sawiro.

June 17 2012.

Minnesota ( Ogadentoday Press)- Kullan Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Hooyooyinka Soomaalida Ogaadeeniya ayaa ka Dhacay Magaaladda Minnesota ee Dalka Maraykanka Maalinimadii Shalay.

Kullankan ayaa looga hadlay Arrimaha Ogaadeeniya,Halganka, sare u qaadidada Kaalinta Ururka Haweenka Ogaadeeniya kaga aadan Dhulkooda Hooyo ee Ogaadeeniya.

Gudooiyaha Ururka Haweenka ayaa loo doortay Xaliimo Xaaji Cali Isla Markaasna soo Dhisi Doonta Toddioobi Xubnood oo Ururka Haweenka ah.




Kullankan oo si wanaagsan dood Iyo Haddalo looga soo Jeedidayay ayaa waxaa Khadka Telleefoonka Kulla hadlay Dadwaynaha Goobta Joogay Hogaanka Arrimaha Bulshadda Iyo Abaabulka ee Jabhadda ONLF Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Dhiirane.



Sidoo Kale waxaa Khadka lagu soo xiray Masuul Sare oo ka Tirsan Jabhadda ONLF Muddane Cabdi-Qaadir Gamaadiid.

Shirkan oo ahaa Mid Balaaran ayaa Dhamaan Ururka Haweenka sheegeen inay si deg deg ah u soo dhisi doonaan Gudiga Hooyooyinka oo la shaqayn Doonaa Gudoomiyaha Hooyooyinka Ogaadeeniya.




Masuuliyiintan ayaa tibaaxay isla Markaasna ka warbaxiyay arrimo baddan oo iskugu Jira Xaaladda Ogaadeeniya, Halganka Jabhadda ONLF, Siyaasadda Iyo Marxaladda manta ka jirta Itoobiya.



Gaba-gabadii Kullankan ayaa ku dhamaaday in la garab-isataago Halganka Jabhadda ONLF ku Jirto isla markaasna Xasuuqa ka Jiraa Ogaadeeniya Dumarku u istaagan sidii Caalamka loogu bandhigi lahaa.

Guled Adnan
Ogadentoday Press