Bereket Simon- Zenawi waa soo roonaanayaa + Wariye sheegay Inuu Zenawi Dhintay?
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 01 2012 15:03:15
(Ogadentoday Press)- Afhayeenka Dowladda Itoobiya Bereket Simon oo u waramayay Idaacadda BBC Qaybta Afrika ayaa sheegay in Raysul Wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi uu soo roonaanayo.Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Idaacad Mucaaradka Dowladda Itoobiya leedahay Shaacisay In Zenawi uu dhintay. Bereket oo u waramayay BBC ayaa Yiri “ Mucaaradku waxay doonayaan inay abuuraan wareer oo ay kaga faidaystaan Xanuunka Zenawi” Isagoo la waydiiyay cida Dalka Xukunta ayuu ku jawaabay, wax is baddal ah ma Jiraan, mana jiri doonaan wax is baddal ah Mustaqbalka Dhow, Xaalku waa siduu horey u ahaan jiray”
Extended News

Zenawi waa soo Caafimaadayaa Sidaas waxaa Yiri Bereket Siman.
Bereket Simon- Zenawi waa soo roonaanayaa + Wariye sheegay Inuu Zenawi Dhintay?
Wariye Abebe Gellaw oo sheegay in Zenawi Dhintay.
August 01 2012.
(Ogadentoday Press)- Afhayeenka Dowladda Itoobiya Bereket Simon oo u waramayay Idaacadda BBC Qaybta Afrika ayaa sheegay in Raysul Wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi uu soo roonaanayo.
Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Idaacad Mucaaradka Dowladda Itoobiya leedahay Shaacisay In Zenawi uu dhintay.
Bereket oo u waramayay BBC ayaa Yiri “ Mucaaradku waxay doonayaan inay abuuraan wareer oo ay kaga faidaystaan Xanuunka Zenawi”
Isagoo la waydiiyay cida Dalka Xukunta ayuu ku jawaabay, wax is baddal ah ma Jiraan, mana jiri doonaan wax is baddal ah Mustaqbalka Dhow, Xaalku waa siduu horey u ahaan jiray”
Sidoo kale Bereket wuu diiday inuu sheego ama ka hadlo wax faahfaahin ah oo saabsan Xanuunka Zenawi Iyo meesha uu ku suggan yahay.
Zenawi waxaa laga wayay Warbaahinta Dalka Iyo Dibaddaba Muddo dhan 40 Bari waaxana Muuqaalkiisa oogu danbeeyay Shirkii G20 ee ka dhacay Dalka Mexico Bishii Lixaad.
Qoraal u muuqadda Jawaabta Warkan ayaa lagu soo daabacay Bogga Internet ee Joornaalka Awramba times oo uu qoray Suxufi Mucaarad ah isla marakasna u shaqeeya Idaacadda Iyo TV ESAT oo sheegay in Warka lagu baahiyay Idaacadda Iyo TV uu yahay mid dhab ah oo laga fiirsaday isla marakasna uusan noolayn Zenawi.
Ma jiraan warar madax banaan oo arrimahan ka hadlay, Xukumadda Itoobiya ayaa Dhowr war oo kalla duwan sheegtay, mar waxay sheegeen in Zenawi uu caafimaad qaboo oo hadli Dhowr Bari dhexdooda, Haddana waxay sheegeen in Zenawi Dr u qoray Fasax Caafimaad, Haddana Warbaahinta Dowladda Sheegtay In Zenawi soo laabtay, Waxaa ku xigay In Zenawi USA joogo, Haddana waxaa ku xigay In Wali Yurub Joogo, Xaalka ayaa u muuqada maalin waji Cusub.
Xanuunka Zenawi ayaa ah mid Dadwaynaha Itoobiya oo dhan Tiradoodu 90 Malyan is waydiinayaan.
Ogadentoday Press.