Madaxwaynaha Masar oo ka Hadlay Siyaasadda, Soomaaliya, Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 02 2012 09:24:05
(Ogadentoday Press)- Madaxwaynaha Dalka Masar Maxamed Mursi uu u warmayay Warbaahinta Xilli uu ka hadlayay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Masar kaga aadan Afrika ayuu sheegay in Masar ay Bog-Cusub oo Siyaasadeed u furi doonto Qaaradda Afrika. Mursi ayay haddaladiisu ka mid ahaayeen “ Hadii Soomaaliya u soo noqoto Dowladnimo, Gobaladda Soomaalidu Degto ee Kenya Iyo Itoobiya waxay u tahay Faido waxayna ka bixi Dhibaatadda” Haddalkan ayaa ah mid laga wayay Xukumadii Mubaarak muddo dhan 20 sanno oo Siyaasadda Masar kaga aadan Geeska Afrika oo muhiim u ah Istaraatijiyadda Masar.
Extended News
Madaxwaynaha Masar oo ka Hadlay Siyaasadda, Soomaaliya, Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya.

August 02 2012.

(Ogadentoday Press)- Madaxwaynaha Dalka Masar Maxamed Mursi uu u warmayay Warbaahinta Xilli uu ka hadlayay Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Masar kaga aadan Afrika ayuu sheegay in Masar ay Bog-Cusub oo Siyaasadeed u furi doonto Qaaradda Afrika.

Mursi ayay haddaladiisu ka mid ahaayeen “ Hadii Soomaaliya u soo noqoto Dowladnimo, Gobaladda Soomaalidu Degto ee Kenya Iyo Itoobiya waxay u tahay Faido waxayna ka bixi Dhibaatadda”

Haddalkan ayaa ah mid laga wayay Xukumadii Mubaarak muddo dhan 20 sanno oo Siyaasadda Masar kaga aadan Geeska Afrika oo muhiim u ah Istaraatijiyadda Masar.

Madaxwaynaha ayaa sheegay In Nabad-galyadda Soomaaliya ay ka shaqayn doonaan Door ay ka qaadan Doonaan soo celinta Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waa in Caalamu ka caawiyaa, Ammaanka, Dhaqaalahha Iyo Dib u dhiska Ayuu Yiri, Madaxwaynaha Masar.

Booqo Halkan oo Warkan oo Kalle Daabacday - Link

Ogadentoday Press.