London (Ogadentoday Press)- Waxaa Abaarihii Duhurnimo kahor Shaashadaha Aduunka kasoo muuqday Orodyahanadda Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya tartanka 400 ee Mitir ee gabdhaha iyadoo ay tartankaas ay Zamzam Maxamed Faarax ka dhex muuqatay oo si wayn loo sugayay..
Gabadha Soomaaliyeed ee sida wayn looga soo dhaweeyay Dalka Britian ayaa gashay Kaalinta 7aad, Iyadoo ay ka qayb galaysay tartanka 400 Meter oo Oradka Gabadhaha.
ZamZam Maxamed ayaa waxaa ka horeeyay 6 Gabdhood oo Wadamadda Caalamaka u tartamayay Waxaana ZamZam muujisay Dadaal wanaagsan la oran karaa Marka la eego Dowladdaha ay tartanka kulla Jirtay.
ZamZam Iyo Dadka Soomaalidda ahba waxay u tahay Farxad Maadaamo ay muujisay Dadaal aad u baddan Marka la eego Kaalinta ay gashay Iyo Bur-Burka Dadka Soomaaliyeed ay ku Jireen 20 Sanno.