Wargayska Standard oo sheegay in USA doonayaan in Xal Ogaadeeniya laga gaaro.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 06 2012 15:25:41
Talaado (Ogadentoday Press)- Bogga Warsidaha Ogadentoday Qaybtiisa English waxaan shalay ku soo daabacnay Qormo uu wargayska Caanka ah ee Standrad kana soo Baxa Dalka Kenya Lagu Daabacay. Qoraalkan oo ahaa mid dheer ayaa looga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka Itoobiya, walaac laga qabbo In Carqallad siyaasadeed ka dhashaan Dalkaas Kadib Markii la waayay Hogaamiyaha Dalkaas Melez Zenawi muddo. Wargayska ayaa ka soo Xigtay Madaxda Dowladda Maraykanka, gaar ahaan Xubin Congress Maraykana Aqalka Maraykanka ka tirsan in Maraykanku uu doonayo in Mucaaraddka Ogaadeeniya(ONLF)- lala gallo Hishiis. Qormaddan waxay cadayn karaysaa In Maraykanku uu isha ku hayo Isbaddal ka dhasha Itoobiya Isla Markaas u arkaan Jabhadda ONLF Awood Xoogan oo ka Jirta Waddankaas.
Extended News
Wargayska Standard oo sheegay in USA doonayaan in Xal Ogaadeeniya laga gaaro.
Agoosto 7 2012.
Talaado (Ogadentoday Press)- Bogga Warsidaha Ogadentoday Qaybtiisa English waxaan shalay ku soo daabacnay Qormo uu wargayska Caanka ah ee Standard kana soo Baxa Dalka Kenya Lagu Daabacay.
Qoraalkan oo ahaa mid dheer ayaa looga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka Itoobiya, walaac laga qabbo In Carqallad siyaasadeed ka dhashaan Dalkaas Kadib Markii la waayay Hogaamiyaha Dalkaas Melez Zenawi muddo.
Wargayska ayaa ka soo Xigtay Madaxda Dowladda Maraykanka, gaar ahaan Xubin Congress Maraykana Aqalka Maraykanka ka tirsan in Maraykanku uu doonayo in Mucaaraddka Ogaadeeniya(ONLF)- lala gallo Hishiis.
Qormaddan waxay cadayn karaysaa In Maraykanku uu isha ku hayo Isbaddal ka dhasha Itoobiya Isla Markaas u arkaan Jabhadda ONLF Awood Xoogan oo ka Jirta Waddankaas.
Wargayska ayaa ka soo xigtay Madaxda Maraykanka in Jabhadda ONLF doonayaan gooni isu tag Isla markaasna Dagaal Xooggan kulla Jiraan Dowladda Itoobiya.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya Xilli mudooyinkii u danbeeyay la sheegay in ay suura gal tahay in Wadda Haddalo dhex maraan ONLF Iyo Itoobiya, wallow wax rismi ah aysan jirin.
Sidoo Kalle warkan ayaa cadayn karra in Maraykanku u door ka qaaddan doono wadda haddallo dhex mara Labadda Dhan Mustaqbalka.
Halkan ka Akhri Qoraalka oo Buuxa, Taabo Halkan- Link