Muxuu Yuusuf Garaad Isu casilay?
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 07 2012 08:26:27
Talaado (Ogadentoday Press)- Madaxa Idaacadda BBC la,aanta Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilka uu hayay ee Idaacadda BBC.Sababta uu isku casilay Yuusuf Garaad ayaa ah labbo Arrimood.Midda Kobaad waxaa weeyaan isagoo ogaa in uu ka dhamaaday Shaqadii isla Markaasna Bilahan soo socda Idaacadda BBC loo magacaabayo Masuul Cusub.Midda Labaad ayaa ah isagoo uu ku jiro Damac ah in uu doonayo Madaxtinimadda Soomaaliya isla markaasna sheegtay in xiriir wanaagsan la leeyahay Itoobiya Iyo Kenya, gaar ahaan xooga saaray Itoobiya.
Extended News
Muxuu Yuusuf Garaad Isu casilay?

Agoosto 07 2012.

Talaado (Ogadentoday Press)- Madaxa Idaacadda BBC la,aanta Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilka uu hayay ee Idaacadda BBC.

Sababta uu isku casilay Yuusuf Garaad ayaa ah labbo Arrimood.

Midda Kobaad waxaa weeyaan isagoo ogaa in uu ka dhamaaday Shaqadii isla Markaasna Bilahan soo socda Idaacadda BBC loo magacaabayo Masuul Cusub.

Midda Labaad ayaa ah isagoo uu ku jiro Damac ah in uu doonayo Madaxtinimadda Soomaaliya isla markaasna sheegtay in xiriir wanaagsan la leeyahay Itoobiya Iyo Kenya, gaar ahaan xooga saaray Itoobiya.

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya Iyo Yuusuf Garaad?

Yuusuf Garaad waxaa Sirdoonka Itoobiya ka casuumeen Magaaladda Addis Ababa xilligii Maxaakimta isla markaasna u sheegeen in Ciidamadda Itoobiya ee ku suggan Soomaaliya uusan ka hadlin isla markaasna waayihii Danbe Xasuuqii Ciidamadda Itoobiya wadeen ka gaabsaday.

Su,aasha Muddan Yuusuf Garaad in la waydiiyo waxay tahay Maxaa ka filay in aad Xilligii Cabdulaahi Yuusuf ee Ciidamadda Itoobiya aad aad oogu buun-buunisay Kadib Xilligii Shariif ee Ciidamadda Itoobiya joogeen qaybo ka mid ah Soomaaliya u aamustay? Maxayse kuu ballan qaadeen Ciidamadda Itoobiya?

Yuusuf Garaad Kama hadlo Ciidamadda Itoobiya balse wuxuu aad ooga hadlaa Kuwa Kenya ee Jubooyinka?

Ogadentoday Press.