Qoraal ka socda Odoyaasha Absame ee Australia oo Ogadentoday la soo Gaarsiiyay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 07 2012 08:56:07
Melbourne (6 August 2012): Kulan deg-deg ah oo odayaasha beesha Absame ee Australia ku yeesheen magaalada Melbourne ayaa waxaa si kulul loogu canbaareeyey qaabkii loo qeybiyey xubnaha beesha Absame ee baarlamanka Soomaaliya. Guddiga odayaashu waxay soo saareen 2 qodob: Cadaalad darrada lagula dhaqmay beelaha Weyteen, Baalcad iyo Galimays waxaa mas’uul ka ah oo ay ku kooban tahay Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame ee hadda ku sugan Muqdisho oo iyaga loo xilsaaray in ay xubnaha u qeybiyaan beesha.Qoraalkan waxaa si wada jir ah u soo saaray xubnaha hoos ku qoran:
Extended News


Agoosto 07 2012.

Talaado (Ogadentoday Press)- Warbaahinta Ogadentoday Press waxaa la soo gaarsiiyay Qoraal dheer ay ku saxiixan yihiin Odoyaasha Absame ee Dalka Australia, Odoyaasha ayaa marka Hore salaan u soo gudbiyay Warbaahinta Isla markaasna ku dhiira-galiyay howsha Warbaahinta hayso. Qoraalkan oo Buuxa Hoos ka Akhriso,

Odayaasha Absame ee Australia oo Canbaareeyey Qaabka Loo Qeybiyey Xubnah beesha Absame ee Baarlamanka Soomaaliya.

Melbourne (6 August 2012): Kulan deg-deg ah oo odayaasha beesha Absame ee Australia ku yeesheen magaalada Melbourne ayaa waxaa si kulul loogu canbaareeyey qaabkii loo qeybiyey xubnaha beesha Absame ee baarlamanka Soomaaliya. Guddiga odayaashu waxay soo saareen 2 qodob:

(1) CANBAARAYN: “Haddaanu nahay odayaasha beel weynta Absame ee Australia, waxaanu si kulul canbaarayn ugu jeedinaynaa Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame ee hadda ku sugan Muqdisho, annaga oo si wadajir ah uga soo horjeedna qaabkii cadaalad darrada ahayd ee ay u qeybiyeen 12 xubnood ee beeshu ka heshay baarlamanka dowlada federal-ka ee Soomaaliya. Ugaasyadaas iyo Salaadiintaasi waxay aaseen xaqii siyaasadeed ee ay lahaayeen beelaha Weyteen, Baalcad, iyo Galimays. Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in ugaasyada iyo salaadiinta qaabkaas cadaalad darrada ah wax u qeybiyey ay baal madow ka galeen taariikhda beesha Absame.

Cadaalad darrada lagula dhaqmay beelaha Weyteen, Baalcad iyo Galimays waxaa mas’uul ka ah oo ay ku kooban tahay Ugaasyada iyo Salaadiinta Absame ee hadda ku sugan Muqdisho oo iyaga loo xilsaaray in ay xubnaha u qeybiyaan beesha.


(2) TALO SOO JEEDIN:

a. Waa in ugu horeyn cudur daar laga bixiyo qaabka cadaalad darrada ah ee loola dhaqmay beelaha Weyteen,Baalcad iyo Galimays.
b. Waa in min xubin la siiyo beelaha Weyteen, Baalcad iyo Galimays, maadaama 12 xubnood lagu soo qaatay magaca “Absame” oo beesha ka wada dhexeeya.
c. Waa in aysan mar danbe dhicin cadaalad darradaas lagula dhaqmay beelaha Weyteen, Baalcad iyo Galimays.
Qoraalkan waxaa si wada jir ah u soo saaray xubnaha hoos ku qoran:

1. Xassan Yuusuf Shuuriye – Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Beesha Absame ee Australia (beesha Maqaabul)
2. Cabdi Daahir Afey (beesha Maqaabul)
3. C/llaahi Shuuriye (beesha Maqaabul)
4. Dr. Xassan Muuse (beesha Maqaabul)
5. Maxamuud Xuseen Laag (beesha Camar)
6. Xaaji Maxamed Maxamuud (Maykal) (beesha Bahgari)
7. Dhuux Sheekh Maxamed (beesha Weyteen)
8. Maxamed Fowzi Sh. C/Qaadir (beesha Weyteen)
9. Cabdi Maxamuud Raage (beesha Tolomoge)
10. Faysal Maxamuud (Sooyaan) (beesha Tolomoge)
11. Axmed Rashiid Sh. C/Qaadir (beesha Baalcad)
12. Amiin Sh. C/Qaadir (beesha Baalcad)
13. C/Qaadir Xassan (C/Qaadir Tally) (beesha Cawlyahan)
14. Bashiir Sh. Ibraahim (beesha Cawlyahan)
15. Cali Guure Ugaas (beesha Cawlyahan)
16. Maxamed Faarax Cabdille (Faray) (beesha Maxamed Subeer)
17. Cabdi Macalin Ibraahim (beesha Maxamed Subeer)
18. Ugaas Xukun Axmed Saacid (beesha Maxamed Subeer)
19. Yuusuf Gaabow Aadan (beesha Maxamed Subeer)
20. Ibraahim Gaabow Aadan (beesha Maxamed Subeer)

Nabadoon Cabdi Macalin Ibraahim
Absameelders.Australia@hotmail.com
Melbourne, Australia.