Bishii Ogoosto 8 2009 ayay ahayd Markii Warbaahinta Ogadentoday hawadda la soo galiyay Iyadoo Qoraalka Lagu Bilaabay 19 Ogoosto.
Warbaahinta Ogadentoday Press oo Muddo aad u yar jirtay ayaa soo Jiidatay Akhristayaasha ku kalla nool Caalamka, Waqooyi Ameerika, Yurub, Afrika, (Kenya Iyo South Afrika, Soomaaliay, Ethiopia, Sudan, Eritrea, Jabuuti) Dalalka Carabta, Yemen, Sucuudiga, Imaaraadka, Yemen, Oman, Kuwait Iyo Kuwo Kalle. Asia, Indonesia, Malaysia, China.
Muddadaas 3 Sanno ah Warbaahinta Ogadentoday Press waxay daabacday 5636 Qoraal oo iskugu Jiraa, Warar, Faalooyin Iyo Barnaamijyo Maqal Iyo Muuqaal ah. Waxaa Muddadaas soo booqday Dad gaaraya “ 3,590,925” Kuwaas oo Baddankood ah Akhristayaal Marka laga reebo Dadka Baadhitaanadda “ Google Search” ka dhex hella Ogadentoday Press.
Tiradda Faalooyinka Wararka laga dhiibtay ayaa dhan “Comments: 4452”
Agaasimaha Warbaahinta Ogadentoday Press wuxuu si aad ah oogu riyaaqsan yahay Horumarka Warbaahintu gaartay Muddada yare ee ay Jirtay Iyadoo aan la dafiri karrin In Ogadentoday Press noqtay Warbaahinta loogu Akhris baddan yahay ee wax ka qorta Ogaadeeniya. Dadwaynaha u hayaan Xiiso aad ah.
Maxaa loo aas-aasay Warbaahinta Ogadentoday Press?
Ogadentoday Press isagaa is taageeraa 75% marka laga soo reebo shaqsiyaad iyagu si maadi ah Iyo si mooraal ahaan ah u taageeraa mararka qaarkood waxaana ooga Mahad-celinayaa Taageeradda Warbaahinta Ogadentoday Press, Warbaahinta Urur, Koox ama Dowladda Taageertaa malahan Dhamaana wuu ka Madax Banaan yahay.
Maxaan Ballan qaadaynaa?
Warbaahinta Ogadentoday Press waxay ballan qaadaysaa Inaan Howlaha Bulshadda aan u hayno inaan gaarsiino siina Xoojino.
Yaa Akhrista Ogadentoday Press?.
Waxaa Akhristaa, Dhamaan Bulshadda Soomaalidda Ogaadeeniya, Soomaaliya (ma Badno), Itoobiya qaar ka mid ah Maadaamo aan Itoobiya wararka ka qorno, dadka Akhrista waxay iskugu Jiraan, Dadka Shacabka ah, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Odoyaal, Hooyooyin Iyo Dhalinyaro.
Warbaahinta Ogadentoday Press waxay marka Hore Xooga saari inaan xiriir wanaagsan la yeelano saxaafadda waddanka wax ka qorta Kaddibna aan u gudbaynaa Kuwa Dariska, Kadib Kuwa Caalamka ah., Hadii la waayo isku xirnaanta Saxaafadda Waddankeena ah ma jirayaan Saxaafad Hormar aan ka gaarno.