Madaxda Soomaaliya oo Iskhilaafsan+ Maxay isku hayaan?
Posted by mohamed on August 09 2012 09:02:32
(Ogadentoday Press)- Waxaa ka soo baxayey Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya tan iyo maanta ilaa caawa warar is khilaafsan kuwaas oo sheegayey in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya damacsanyahay inuu kala diro Golaha Wasiiradda Raysal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) isla markaana uu soo magcaabo Ku sime Raysal wasaare ilaa inta laga gaarayo 20 Aug, oo la filayo inay qabsoomaan doorashooyinka Madaxtooyadda Soomaaliya.
Extended News
Madaxweyne Shiriif Awood Sharciyeed ma u leeyahay inuu kala diro Golaha Wasiiradda R/w Gaas.


(Ogadentoday Press)- Waxaa ka soo baxayey Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya tan iyo maanta ilaa caawa warar is khilaafsan kuwaas oo sheegayey in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya damacsanyahay inuu kala diro Golaha Wasiiradda Raysal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) isla markaana uu soo magcaabo Ku sime Raysal wasaare ilaa inta laga gaarayo 20 Aug, oo la filayo inay qabsoomaan doorashooyinka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Khilaafka ka dhex qaray labada Masuul & Doorashooyinka 20 Aug.

Waxaa soo baxayey beryahan dambe khilaaf u dhexeeya Madaxda Dowladda Ku meel gaarka ah kaas oo salka ku haya doorashooyinka Madaxtooyadda oo midkastaa dhankiisa ugu jiro xusul duub, Madaxweyne Shiriif wuxuu doonayaa in mar labaad la soo doorto isagoo ku doodaya inuu wax badan ka qabtay xaaladda Dalka wuxuuna aaminsan in hadii uu ku guulaysto hogaanka Dalka uu wax badan qaban karo taas mid la mid ah waxaa qaba Raysal Wasaare Gaas oo isna aaminsan Xukuumadiisa Badbaado Qaran inay wax badan ku soo kordhisay Dalka uuna xaq u leeyahay in loo doorto Aqalka Madaxtooyadda .

Labada Masuul oo muujiyey mudadii 1 sano ahayd ee ay wada joogeen Xafiiska Wada shaqayn & isu tanaasul waxaa hada muuqata in loolankooda & damacooda siyaasiga ahi u saamixi waayey inay mudada yar ee ka hartay wakhtiga kala guurka isu dulqaataan.

Tixraac Khilaaf.

Soomaaliya oo Burbur & Dagaalo sukeeye ku soo jirtay mudo labaatan sano ku siman waxaa caado ka noqotay is qabqabsiga Madaxda Dowladihii ku meel gaar ka ahaa ee soo maray tan iyo 2000 wakhtigaas oo lagu soo dhisay Xukuumadii TNG Wadanka Jabuuti 3dii Madaxweyne ee isaga danbeeyey Xafiiska Cabdiqaasim Salaad Xasan, AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed & Shiikh Shiriif Axmed mid kastaa wuxuu dagaal siyaasadeed & xifiltan in badan dhaawacay shaqooyinkii Qaranka la soo galay Raysal Wasaarayaashiisii, mudadaas 12 sano ahayd wuxuu Dalku yeeshay 7 Raysal wasaare haba ugu badnaadee Madaxweynaha hada talada haya oo maraya Raysal Wasaarihii 3-aad.

Sida cad Inta badan khilaafyadii soo kala dhex galay Madaxda Soomaalidu wuxuu salka ku hayey Tumasho Sharci, Awood riixasho, dano dhaqaale & damac siyaasadeed .

Madaxweynaha iyo Xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

16 May, 2010 Madaxweyne Sh. Shiriif wuxuu ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumadii Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali talabadaas oo si weyn uu uga horyimi Raysal wasaaruhu isagoo ku dooday in aan Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu xilka ka qaado dhego adaygaas oo dhaxal siiyey Madaxweyne Shiriif inuu dib uga laabto go’aankiisaa 20, May kadib markii uu la tashaday khuburo dhinaca sharciga ah sida lagu sheegay warsaxaafadeed Madaxweynuhu kaga laabtay go’aankaas.

Madaxweyne Shiriif ma kala diri karaa Xukuumada Gaas.

Sida uu dhigayo Axdiga Ku meel gaarka ah Madaxweynuhu uma laha awood inuu xilka ka qaado Raysal Wasaaraha ama uu kala diro Xukuumadiisa wadada keliya ee loo mari karo in xilka qaadis lagu sameeyo Raysal Wasaraaha waa aqalka Baarlamaanka ama in 2/3 Xubnaha Golaha Wasiiradu is casilaan, marka ay Xukuumadu noqoto mid gudan weyda waajibaadkeeda shaqo xubno ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanku waxay mooshin faahfaahsan qeexayana eedaymaha ka dhanka ah u gudbinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanku marka uu helo Mooshinkaas wuxuu qoraal u qorayaa Xukuumada si ay u hortimaado Baarlamaanka isagana difaacdo eedaha loo haysto markaas kadib waxaa Xukuumadda loo qaadayaa codka Kalsoonida hadii ay isku racaan 2/3 ama 67% xubnaha Baarlamaanku in Xukuumadu ka soo bixi weyday shaqadeedii ayna ku guuldaraysato inay ka hesho codka Kalsoonida sidaa ayey ku dhacaysaa Madaxweynuhuna wuxuu xaq u leeyahay inuu soo Magcaabo Raysal Wasaare cusub kaas oo hadii uu helo Kalsoonida Baarlamaanka sidaa ku so dhisaya Xukuumad cusub .

Heshiiskii Kampala.

Heshiiskii Kampala ay ku wada gaareen Madaxweyne Sh. Shiriif & Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiriif Xasan wuxuu dhigayey mudada 1 sano ee loogu daray Dowladda in aan wax mooshin ah laga keeni karin sadexda Masuul ee u saraysa Dalka Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka & Raysal Wasaaraha .

Axdiga Ku meel gaarka ah & Heshiiskii Kampala labaduba waxay ka hor imanayaan isku dayga Madaxweynuhu ku doonayo inuu ku kala diro Xukuumadda hadii uu jir isku daygaasi waxaa iyana aan suurtagal ka dhigi karin isku dayga Madaxweynaha mudada kooban ee ka hartay mandate kiisa, Marxalada kala guurka & Baarlamaankii oo ah mid aan shaqaynayn.

Xigasho: Horseedmedia.